Xog: Shaqaalo badan oo ka mid ah kuwa dowladda oo shaqadooda weyn doona

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo saddex jeer oo hore baaritaan lagu sameeyay dhamaan shaqaalaha dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka gobalka Banaadir, islamarkaana aysan ka soo wareegin xiligaas sanad shaqaale cusubna aan la qaadan, ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday in markale la baari doono shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adda NISA iyo wasaaradda iska kaashan doonaan diiwaan gelinta shaqaalaha taasi oo laga muujiyay walaac xoog leh.

In badan Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in qorshahaan uu yahay mid la rabo in boosaska looga saarto shaqaalaha dowladda si loo gashado kuwa kale oo cusub maadaama la galay waqti kala guur ah.

“Annaga ayaa damiinanay qof kasta gurigiisa ayaa la tagayay waana la soo sawirayay isaga iyo gurigaba waxeyna baaritaanka mareen 3 jeer, hadda waxaa la rabaa in la ruqseeyo qaarkood si kuwa kale loo qaato,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

In badan oo kamid ah shaqaalaha dowladda ayaa saacadihii la soo dhaafay muujinayay walaac badan. Dadka qaar ayaa sheegaya in beegsigu yahay shaqaalaha ku sugan xafiisyada dowladda ee Muqdisho iyo kuwa safarada ku maqan ee heesta fasaxa.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono hase yeeshee waxaa jira qeyla dhaan badan oo arrintaan ku saabsan. Sidaas oo kale waxaa jira aragtiyo kale oo sheegaya in sababta waqtigaan adag loogu soo aadiyey tahay cabsi gelin ku saabsan dhanka doorashada.