Sababta yaabka leh ee uu Trump ku diiday in hab Online ah uu kula doodo Joe Biden

Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sabab layaab leh ku diiday inuu hab online ah kula doodo musharaxa xisbiga dimoqoraadiga Joe Biden.

Labada musharax ayaa dhamaadka bishii lasoo dhaafay doodii koowaad yeeshay, taasoo loo falanqeeyay inuu Joe Biden kaga guul helay madaxweynaha talada haya, balse dooda labaad oo la balansan yahay 15-ka bishaan uma muuqato mid dhaceysa.

Maadaama Donald Trump uu asiibay xanuunka Covid19, waxaa la qorsheeyay in labada musharax ay dood ku dhexmarto hab Online ah, balse Trump wuu diiday isagoo wali u heysta in qaban-qaabiyayaasha dooda iyo Biden ay isku saf yahiin.

“Wac macno ah ma lahan inaad la doodo qof Computer kasoo hadlaya, hadey rabaan waxey iga xiri karaan codka” ayuu yiri Trump oo shaki ka qaba in qiyaamo lagu sameeyo.

Trump wuxuu la hadlayay Fox News Business, madaxweynaha xukunkiisa sii dhamaanayo ayaa mar walba doonaya dood waji ka waji ah maadaama uu jecel yahay inuu qofka aamusiyo.

Donald wuxuu dhawr jeer ka dhex-galay Biden doodii ugu horreysay, waxaana hadda jirta rajo aan badneyn oo ah in la qorsheeyo dood labaad.