Puntland oo 6 bil kadib soo geba-gebeysay baaritaanka dilka gudoomiyihiiNugaal

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa lix bilood kadib maanta shaaciyey in lasoo geba-gebeeyey baaritaanka qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 29-kii bishii Maarsoo ee sanadkan ka dhacay magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.

Qaraxaas ayaa waxaa lagu dilay Allah ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), oo xiligaasi uu ku sugnaa bartamaha magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland oo ka hadlayey baaritaankaasi ayaa sheegay in kiiskaasi uu soo geba-gaboobey, isla markaana ay gacanta ku hayaan dad lug ku lahaa qaraxaasi.

Wuxuuna ka dhawaajiyey in dadkaasi loo hayo loo gudbin doono Hay’addaha Garsoorka si ay u maxkmadeeyaan, inkasta oo uusan carabaabin tirada dadka loo hayo qaraxaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan ay bulshada iyo warbaahinta la wadaagi doonaan qaabkii uu u dhacay qaraxii lagu dilay Cabdisalaan Gujir, oo ahaa guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Hadalkan ayaa imanaya xili ku dhawaan lix bilood ay kasoo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Gujir lagula eegtay agagaarka Saldhiga Bartamaha ee magaalada Garoowe.

Waxaana mas’uuliyada weerarkasi hore u sheegatay kooxda Al-Shabaab oo iyadu badanka fulisa qaraxyada ismiidaaminta ee gudaha Soomaaliya.