Afgambi iyo afduub ka dhan ahaa barasaabka Michigan oo si yaab leh loo fashiliyey

Detroit (Caasimada Online) – FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay inay fashilisay shirqool lagu afgambin lahaa dowladda laguna afduuban lahaa barasaabka gobolka Michigan Gretchen Whitmer.

Shirqoolkan ayaa waxaa ku lug lahaa maleeshiyo hubeysan oo fadhigoodu yahay gobolka Michigan.

Warqado maxkamadeed ayaa muujiyey in kuwa shirqoolka damacsanaa ay laba mar kormeereen guri ay fasax ku qaadato Whitmer, ayna ka wada hadleen sidii ay u afduuban lahaayeen, oo ay ula aadi lahaayeen gobolka Wisconsin, si halkaas maxkamad loogu soo saaro wax ay ugu yeereen “qiyaano qaran” kahor doorashada.

“Xubno ka mid ah kooxdan ayaa ka wada-hadlay in la khaarijiyo ‘daba-dhilifyada’ ama la afduubto barasaabka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay FBI-da.

“Kooxdan ayaa go’aansaday inay tirada maleeshiyadooda badiyaan, waxayna isku booriyeen inay la hadlaan deriskooda, si farriinta loo baahiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka FBI-da.

Qoraalka ayaa lasoo saaray saacado kadib markii wakiillada FBI-da ay Arbacadii weerareen guri ku yaalla magaalada Hartland Township.

Shirqoolkan ayaa waxaa waday lix qof, oo uu ku jiro Ty Garbin oo ah 24 jir, kaasi oo degan guriga ay FBI-da weerareen goor dambe oo Arbacadii aheyd.

Kiis ay FBI-da ka diiwaan gelisay maxkamad federal ayaa waxaa lix qof lagu soo oogay dacwad la xiriirta shirqool afduub oo ka dhan ah Whitmer, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay:

  • Adam Fox
  • Barry Croft
  • Garbin
  • Kaleb Franks
  • Daniel Harris
  • Brandon Caserta

Baaritaanka dadkan lagu soo xiray ayaa socday tan iyo horraantii 2020. FBI-da ayaa markii hore ka ogaatay baraha bulshada inuu jiray shirqool la doonayo in lagu afgambiyo dhowr dowlad goboleed.

FBI-da ayaa waxay kooxdan ku dhex lahayd qof si hoose ula shaqeeya oo duubayey kulmada, kaasi oo la siiyey lacag dhan $8,600.