Sawirro: Shacabka Badhan oo dacwo ka ah masuul ka tirsan Puntland iyo dibadbax rabshado wata oo dhaca

Badhan (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in banaanbax rabshado wata ay saaka ka istaadhmeen magaaladaasi.

Banaanbaxayaasha ayaa taayiro ku gubay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Badhan, midaasi oo ay ku muujinayeen cabasho xoogan oo ay ka qabaan madaxda sarre ee maamulka Puntland.

Dadka banaanbaxa dhigayey qaarkood oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay inay ka cabanayaan Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Dhabancad oo ay ku eedeynayaan inuu si ku tagri fal ah u maamulay xubno lagu daray golaha deegaanka Badhan, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay shan xubnood.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland inuu sida ugu dhaqsaha badan faraha ugala baxo arrimaha la xiriira golaha degaanka magaalada Bahdna.

Xaalada guud ee magaalada ayaa gebi ahaanba kacsan, tan iyo markii ay saaka banaanbaxa bilaabeen qeybo kamid ah bulshada ku nool magaaladaasi.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland, oo ku aadan banaanbaxa maanta gil-gilay Badhan iyo eedeynta loo jeediyay Wasiirka arrimaha gudaha.