Xanuunka uu u geeriyooday Dr. Galayr oo la shaaciyey

Jigjiga (Caasimada Online) – Xukuumadda dowlad deegaanka Soomaali-Galbeed ayaa shaacisay in ra’iisul wasarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr uu u geeriyooday cudurka Coronavirus.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka dowlad deegaanka Soomaalida Mukhtaar Yuusuf ayaa sheegay in natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay sababta ka dambeysay geerida marxuumka lagu ogaaday in uu u geeriyooday cudurka COVID-19.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Mustafe Cagjar ayaa maanta qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in xukuumadiisu ay guddi u saartay baaritaanka sababta ka dambeysay geerida marxuum Cali Khaliif.

“Xukuumadu waxay magacawday guddi u xilsaaran baadhitaanka habka geerida marxuum prof Cali Khaliif Galaydh, kahor intaan la’aasin! Allaha u naxariisto Prof Cali ummada Somaliyed oo idil ayuu kabaxay” ayuu bartiisa Facebook-ga maanta ku daabacay madaxweyne Mustafe Cagjar.

Waxaa jira shaki badan oo ay qabaan dadka Soomaaliyeed, kaas oo ku aaddan in dad hal door ahaa oo Soomaaliyeed ay horay ugu geeriyooday magaalada Jigjiga.

Allaha u naxariistee dadkii ku geeriyooday magaaladaas waxaa kamid ahaa Weriye Axmed Xasan Cowke, Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise Singub, Abwaan Cabdixakiin Cabdullaahi Jibriil Qiiq, Cali Khaliif Gareyr iyo dad kale oo qaranimada Soomaaliya u soo halgamay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo qaban qaabiya aas Qaran oo Muqdisho loogu sameynayo marxuum Cali Khaliif, kuwaas ka kooban seddax xubnood.

Sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiye looga dhigay guddigaas, waxaana ku wehliya sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo sii-hayaha wasiirka kalluumeysiga Cabdullahi Bidhaan Warsame.