Maxay ka wada-hadleen R/Wasaare ROOBLE iyo agaasime Fahad Yaasiin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino ayaa ka soo baxaya waxyaabaha looga hadlay kulan ay caawa yeesheen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Taliyaha hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin.

Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta Nabad sugidda ee Habar-Khadiijo, halkaas oo uu ugu tegay ra’iisul wasaare Rooble, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah.

Sida aan xogta ku helnay labada masuul ayaa inta badan kulankooda uga wada-hadlay arrimo khuseeya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhismaha golaha wasiirrada ee xukuumadda cusub.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku howlan la tashiyo ku aadan soo magacaabidda golihiisa wasiirrada, waxaana Agaasime Fahad Yaasiin lagu tilmaamaa inuu door weyn ku leeyahay dhaq-dhaqaaqa siyaasadda dowladdan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo markii uu la wareegay xilkan Ra’iisul wasaare Rooble waa markii labaad ee uu ka baxay madaxtooyada, iyadoo socdaalkan uu ku tegay xarunta NISA ee Habar-Khadiijo kii ka horeeyay uu ku tegay garoonka Aadan Cadde, xilligaas oo safar dibadda ah uu ugu baxay dalka Kuwait.

Labada dhinacba ma jiraan wax war ah oo ay ka soo saareen kulankaas, balse Fahad Yaasiin ayaa door weyn ku leh go’aannada siyaasadeed ee dowladan, isagoo badanaa aan ka soo bixin xarunta NISA oo ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.