25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Sawir: Siyaasiyiin feel dheer ugu jira Gen. Gabre

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa ku howlan u diyaar garowga Doorashada la filaayo in lagu soo doorto Madaxweyne Cusub oo hanakara Siyaasada iyo Amaanka Somalia.

Siyaasada Somalia ayaa lagu xagliyaa inay gacanta ku heyso misna maamusho Dowlada Ethiopia, gaar ahaan wakiilkeeda Somalia ninka lagu magacaabo Gen. Gebra oo si cad uga soo horjeeda nabada iyo xasiloonida Somalia.

Sawir gacmeedkaani idiin muuqda waa mid ka turjumaaya xaqiiqda taagan, waxaana loogu gol-leeyahay in Umadda Soomaaliyeed wax lagu tuso.

Sawirka waxaa laga sameeyay Siyaasiyiin dooneysa inay kamid noqdaan Wasiirada iyo Xildhibaanada cusub kuwaasi oo ku tartamaaya la kulanka Gen. Gebra, waxa ayna booqdeen Hoygiisa si ay u weydiistaan in lagu daro Liiska labada Gole ee Dowlada.

Sawirkaani waxa uu cabirayaa in Siyaasada Dalka ay gacanta ugu jirto Dowladaha Shisheeye gaar ahaan Ethiopia oo dhaqaale ku bixineysa Burburka Somalia.
GURIGA GABRE

- Advertisement -

Read more

Local News