Arrag Sawirrada sida uu R/W Kheyre Muqdisho uga sagootiyey Abiy Ahmed

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka sagootiyay Wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta booqasha rasmi ah ku yimid dalka.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo booqashadiisa Soomaaliya aheyd hal maalin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo si weyn uga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal,iskaashiga Ammaanka,dhaqaalaha iyo ladagalanka argagixisada.

Booqashada Ra’isul wasaaraha Dalka Ethiopia ayaa muujinaysa dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladaha caalamka.