Muqdisho (Caasimada Online)-Sawir gacmeedkaani ay xikmadu ku jirto ayaa waxaa laga sameeyay Madaxweyne Xassan Sheekh, Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur.
Xigmada sawirka ayaa ah in Seddexdaasi mas’uul ay Dowlada Imaaraadka u ballanqaadayaan inay u hibeyn doonaan Hantida Qaranka Somalia, waa haddii ay ka shaqeyneyso guushooda.
Madaxweyne Xassan ayaa sawirka lagu matalay isagoo Dowlada Imaaraadka u ballanqaadayo inuu siin doono dhammaan dhulka Umadda Soomaaliyeed sida Degmooyinka Shangaani iyo Kaaraan, waxa uuna taa bedelkeeda dal banayaa in mar kale loogu celsho Kursiga.
C/raxmaan C/shakuur ayaa isna Imaaraadka ka dalbaday inay laado Xassan Sheekh isla markaana Kursiga ugu sareysa ay ku fadhiisiso Cumar C/rashiid si isna looga dhigo Ra’isul wasaaraha dalka.


