Arrin cusub: Gaari lagu weeraray  Ceelasha Biyaha & dhaawaca ruuxii la weeraray oo lagu qaatay isla gaariga

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar habeenimadii xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Weerarka oo u muuqday mid qorsheysnaa ayaa waxaa lagu qaaday Gaari nooca raaxada ah, iyadoo weerarka kadib la sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay ay qaaten dhaawaca darawalka.

Ragga weeraray gaariga ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayen bastoolado, waxa ayna goobta uga baxsadeen gaariga iyagoo wata dhaawaca darawalka.

Ruuxa lagu weeraray Gaari ayaa sidoo kale la sheegay inuu la shaqeynaayay dowlada, isla markaana xiliyada danbe ee habeenkii uu si dhuumaaleysi ah u gaari jiray ceelasha biyaha.

Lama oga ilaa iyo hadda sababaha ka dambeeya weerarkaasi, waxaana sidoo kale aan jirin wax hadal ah oo ka soo baxaya Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku aadan weerarkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com