C/weli Gaas oo ka hadlay waxyaabaha ay dowlada Farmaajo uga duwan tahay dowladihii hore

Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa shaaca ka qaaday in farqi weyn uu u dhexeeyo dowlada Federaalka hadda jirta iyo dowladihii ka horeeyay ee ka danbeeyay dowlada dhexe ee burburtay.

C/weli Gaas waxa uu sheegay in dowlada iminka shaqeysa ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llahi Farmaajo ay ku shaqeyneyso hanaanka dowladnimo ee loogu tallo galay in lagu maamulo dal dhismaaya.

Waxa uu Gaas tilmaamay in dhismaha Somalia uu yahay mid u baahan inuu ka imaado dhanka maamul Goboleedyada, waxa uuna cadeeyay in Farmaajo uu bilaabay qorshaha isku xirka dowlada iyo maamul Goboleedyada.

Dowlada Somalia ayuu sheegay inay ku taagan tahay maamul Goboleedyada maadaama ay ku dhex noolyihiin shacab isku xiran, sidaa aawgeed uu Madaxweyne Farmaajo dhismaha dowladiisa uga soo bilaabay dhanka maamulada.

Waxa uu sheegay in dowladihii hore ay kaga duwan yihiin tan iminka jirta daneyn la’aan iyo inaysan ahmiyada saari jirin maamulada ka jira dalka, markii laga soo tago xiliga doorashada oo ay garabsan jireen.

‘’Dowlad waliba waxa ay leedahay wax lagu xasuusan doono tani waxa ay ku dheereysay halka laga soo maro Siyaasada iyo wada shaqeynta waxaan leeyahay dalka uma baahna dowlad Madaxweynaheeda ku kooban caasimada’’

‘’Puntland gorgortan kama gali doonto la shaqeynta dowladani maadaama ay kasoo muuqatay qodobadii aan is laheyn waxaa lagu dhisi karaa dowlad iyo maamulo wada shaqeynkara’’

C/weli Gaas, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo laga doonaayo in socdaalkiisa uu ballaariyo isla markaana gaarsiiyo Gobolada kale ee dalka uusan weli gaarin.

Dhinaca kale, waxa uu Maamulada ka jira dalka ugu baaqay inay taageeran dowlada Somalia oo uu sheegay inay u baahan tahay is garabtaag.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com