Akhriso: Golaha Dowlad Goboleedyada oo ka hor yimid go’aan kasoo baxay Maxkamadda Sare

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha la baxay Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa ka hor yimid Go’aan ay Maxkamadda sare ee dalka dib ugu dhigtay doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya oo dacwad ka taagan tahay.

Qoraal ay soo saareen Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo aanay cidka ku saxiixneyn ayaa lagu sheegayin doorashada kuraasta ka bannaan Golaha shacabka la siyaasadeeyay, waxayna Guddiga doorashada madaxabanaan ugu baaqay in doorashadaas ay qabtaan.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in war-saxaafadeedkan uu ka danbeeyay madaweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabi Waare oo doonaya in kursigii uu banneeyay Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sambaloolshe, mar kale loo doorto kursigaasi.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in dastuurka KMG uu dhigayo in Maxkamadda ay gal dacwadeed furi karto marka doorashada dhacdo kaddib, hadii mid ka mid ah tartamayaasha uu ka cawdo inuu jiray musuq maasuq saameyn ku yeeshay natiijada doorashada.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada qabashada doorashooyinka kuraasta banaan, sidoo kale waxaa uu ka digay go’aanada garsoorka soo saarayo inay keenaan xasilooni dari siyaasadeed iyo mid amni.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com