Wasaaradda amniga “Waxaan cafis u sameyn doonaa siyaasiinta Mucaaradka ah ee Dowladda ka soo horjeeda”.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Afayeenka wasaaradda amniga Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim “C/casiis Xildhibaan” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay cafis u sameyn doonto Siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo hor-jeeda.

Afayeenka ayaa sheegay mas’uuliyiinta amniga ee Hay’adaha Dowladda isku afgartayn in la siiyo cafis siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo horjeeda,hadii ay mar dambe u laabtaan falal la xariira qaran Dumis-nimo ay Dowladda talaabo ka qaadi doonto.

Sidoo kale wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin cid ka sareysa sharciga, sidaas darteedna ay Dowladda sharciga la tiigsan doonto dadka ku mashquulsan Duminta Dowladda.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ma aysan cadeynin cidda ay cafiska u sameyn doonaan ee qal qal giliyay Siyaasadda Soomaaliya, balse hadalkaan ayaa u muuqda mid ku socda Siyaasiinta Soomaaliya ee mucaaradka ah, gaar ahaan C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com