Qisadii Siyaad Barre iyo Wiifoowgii madaxweynaha ka dhigay

Switzerland-ta Africa! Waxa uu ahaa magacii loo yaqaanay Soomaaliya oo ay ku muteysatay dimuqraadiyaddii ka jirtay 10-kii sano ee ugu horreeyey xorriyadeeda kaddib. Africa oo in badan oo ka mida xorriyadda la qaadatay Soomalia, wax yar ka horreeyey ama ka dambeeyey kuma aysan naaloon nidaamkii dimuqraadiyadeed ee ka jiray Muqdisho oo ay xukumado si nabada awoodda isugu wareejiyeen.

Hase ahaatee, waxa ay wax walba dhinac isu rogeen 21-kii bishii Okoobar 1969 oo uu dalka afgabki aan dhiig ku daadan ku qabsadeen ciidamadii qalabka siday oo ay hormuud u ahaayeen Maxamed Siyaad Barre (AUN) iyo Janano kale.

Waxaa si weyn loo aaminsan yahay in ay u fududeeysay ciidamada afgambiga dhigay geeridii (AUN) Jeneraal Da’uud oo 1965 ku geeriyooday dalka Russia. Jenaral Da’uud waxa uu ahaa Taliyihii ciidamada xoogga dalka, intii uu joogay laguma dhici Karin in la’isku dayo inqilaab maadaama uu ahaa shaqsi aaminsanaa sarreynta sharciga (Rule of Law), madaxdana qiimeyn jiray.

Geeridiisii kaddib, waxaa booskiisii lagu bedelay Maxamed Siyaad Barre (AUN) oo ku xigeenkiisii ahaa walow ay dood ka keeneen Jeneraal Maxmed Faarax Caydiid iyo Korneel Cabdullaahu Yusuf (Labadaba AUN) oo u arkayey in Siyaad lahayn tababar military oo uusan jagada mudeyn.

Ujeedkii Caydiid iyo Cabdulaahi Yusuf waxa uu ahaa in aan xukunka loo dhiibin Maxamed Siyaad oo ay ogaayeen in uu afgambi sameyn doono halka iyaga laftooduna ay sidaas damacsanaayeen balse aysan mideysneen.

Yeelkeede, madaxdii dalka waxa ay ku adkeysatay in Maxamed Siyaad loo dhiibo militariga iyaga oo u sababeenayey in ay isku tababar ahayeen Janaraal Da’uud oo uu qaban karay waxa uu sameyn karay Jananka geeriyooday. Qaar madaxda ka mid ah ayaa qabay in tababar Italy loogu diro (Staff College) balse waxaa ka awood batay kuwii xilka in loo dhiibo rabay.

1967, dalka waxaa ka dhacday doorasho oo uu ku soo baxay Cabdirashiid Cali Sharmaarke (AUN) balse waxaa aad loogu eedeeyey in ay ku shubasho baahsan dhacday taas oo keentay in shacabkii nacaan dowladda.

Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa lagu dilay Laascaanood 15kii Oktoobar 1969kii xilli uu safarro ku marayey gobollada waqooyi. Dalku waxa uu galay tacsi. Taas waxa ay fursad dahabi ah siisay saraakiishii uu horboodayey Maxamed Siyaad Barre (AUN) ee rabay in ay xukunka qabsadaan.

Abaabul badan iyo qorshe laga baaraan dagay kaddib, Siyaad Barre waxa uu ku guuleystay in la dajiyo qariiraddii lagu dhigi lahaa afgambiga kahor inta aan la qaban doorashada madaxweynaha oo ol’oleheedu aad u socday.

Habeenkii ay taariikhdu ku beegneyd 20-ka Oktoobar1969, Maxamed Siyaad waxa uu hore u soo kaxeystay Jaamac Cali Qoorsheel oo ahaa Taliyihii Booliska waxa uuna u waday gurigii Wasiirkii gudaha iyo amniga Yaasiin Nuur Xassan.

Jamac Cali Qoorsheel waxba kama oga qorshaha Maxamed Siyaad u soo kexeeyey, balse waxa uu u sheegay in ujeedku ahaa la soo caweynta wasiirka iyo dhaga dhageynta waxa dhici doona maalinta xigta oo loo ballansanaa in la doorto madaxweynihii bedeli lahaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Markii ay u yimaadeen wasiirka, waxaa uu ku fadhiyey Wiifoow. Maxamed Siyaad inta uu soo dhinac istaagay ayuu ku wad waday Wiifowga isaga oo u qabtay sheeko uu markaa xiiseenayey wasiirka.

Maxamed Siyaad in uu afgambiga dhigayo waa laga warhelay waxaana faafiyey Cabdullaahi Yusuf iyo Caydiid ilaa ay ka aamineen xubno ka tirsanaa dowladda.

Habeenkaas waxaa la soo wacay Yaasin Nuur Xassan (Wasiirkii gudaha iyo amniga) waxaana lagu wargaliyey in Maxamed Siyaad wado dhaq dhaqaaq afgambi , balse wasiirka waxaa dhinac taagan oo wiifowga ku riix riixaya Maxamed Siyaad laftiisa taas oo kentay in wasiirku kii soo wacaba beeneysto oo uu ugu jawaabay aniga ayuu ila joogaa Jananka aad beenta ka sheegeysaan.

Wixii la caweeyaba, oo uu marba Maxamed Siyaad ku maaweelyo doorashada dhici doonta iyo qofka uu rabo in uu soo boxo wasiirka, waxa ay saacaddu dul istaagtay xilli dambe, wasiirkii sidii loogu ciyaarsiinayey wiifowga wuu daalay waxaana qabatay hurdo, wey is macsalaameeyeen labadii taliye ee uu yimi isna wuu iska hurdo tagay.

Maxamed Siyaad waxa uu Jaamac Cali Qorsheel u soo keceeyey maqaayad ku taalay agagaarka Tarbuunka oo ahayd midda kaliya ee furan habeenkii xilli dambe. Waxa ay dalbadeen Kafee oo cabbaar ayey iska sii caweeyen.

Waxaa u yimi Maxamed Siyaad mid ka mida ciidamadii hawsha kula jiray oo ay so direen Jeneraal Salaad Gabeyre iyo raggii kale iyaga oo u soo dhiibay fariintii uu sugayey Maxamed Siyaad ee ay ahayd in dalka oo dhan ay gacanta ku dhigeen. Waxa uu kula hadlay af Talyaani isaga oo u sheegay in hawshi la dhameeyey, Jaamac Cali Qorsheel ma aqoon luuqadda Talyaaniga oo ma fahmin wixii loo sheegay Maxamed Siyaad.

Jaamac Cali Qorsheel waxa uu ahaa saraakiishii reer waqooyiga ahayd waxa uu yaqaanay Ingiriisiga.

Markiii Kafeegii la dhammeystay Maxamed Siyaad iyo Qoorsheel waxa ay u soo ruqaansadeen dhinaca Iskuul Buliisiyo wadada aada maadama Taliyaha boolisku daganaa degmada Xamar Jabab oo dareen ma galin Qorsheel, Siyaad isagu waxa uu daganaa Fiat.

Markii la soo gaaray Iskuul Bolisiyo ayuu Maxamed Siyaad ku leexiyey xarunta oo ay ku sugayeen Salaad Gabeyre iyo kooxdiisii. Markii loo xaqiijiyey in meel walba la qabtay, Siyaad iyo Salaad Gabeyre qol inta la galeen Qorsheel ayey u sheegeen in militarigu dalka qabsaday oo ay rabaan in uu kala qeyb galo, xulasho kale uma furneyn aan ka ahayn in uu hagaag iyo hawraarsan yiraahdo, waxaa loo keenay Kitaab oo lagu dhaariyey waxaana la faray in uu xarumaha booliska ku wargaliyo in ay kula socdaan afgambiga ciidamada qalabka sida.

Subixii markii uu waaga dilaacay, qofkii ugu horreeyey ee xabsiga la dhigo waxa uu ahaa Yaasiin Nuur Xassan, wasiirkii habeenkii oo dhan loo sheegayey in Maxamed Siyaad afgambi wado balse been moodayey – Ileen ninka la sheegayo waa kan WIIFOWGA ku ciyaarsiinayee!

Qisadan waxaa iiga shekeedeyey General Jaamac Maxamed Qaalib oo ah barahayga sooyaalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Waxaa qoray Mohamed Kaafi

Email: Muhamedkaafi@Gmail.com