Maayar Mooge iyo Barkhad Batuun oo ay ka dhex tafatay – Maxay isku hayaan?

Hargeysa (Caasimada Online) – Maayirka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayey ka dhex tafatay.

Maayir Mooge ayaa si adag uga jawaabay kacdoon shacab oo uu maanta ku baaqay Xildhibaan Barkhad Batuun, oo isagu ka horyimid go’aan ay maamulka dowladda Hoose qasab ugu bananeyso dhul, kaasi oo uu ku tilmaamay “dulmi ka dhan ah maatida”.

Dhulkan ayaa hadda ah suuq ay ku ganacsadan dadkii uu ka gubtay suuqa Waaheen, ee weli dhismihiisu qabyada yahay, wuxuuna maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa u asteeyay in laga dhiso xarun degmo.

Maayir Mooge ayaa ku dhawaaqay in magaalada Hargeysa uusan ka dhici doonin wax kacdoon ah, islamarkaana ay dowladda Hoose la fariisan doonto dadka shacabka ah ee cabanaya, sida uu sheegay.

“Shacabku wey kala yaqaanaan siyaasiga khatallayaa, si uu ugu gaadho dano uu leeyahay isaga oo ka ganacsanayaa dareenkooda iyo ka habeen iyo maalinba u taagan dantooda, horumarkooda ee u diyaara in uu la fadhiisto maqlo dareenkooda, dhagaysto cabshooyinkooda si uu wax uga qabto,” ayuu yiri Maayir Mooge.

Wax uu intaas kusii daray “Wax kacdoon ah oo Hargeysa ka dhacayaana ma jiro, DHH iyo shacabkeedu wey ka wada hadlayaan arimaha taagan ee furitaanka wadooyinka Suuqa-Waaheen, si aan uga taxadarno in markale masiibadii/dabka Waheen oo kale inagu soo noqoto.”

Hadalka Maayirka ayaa imanaya kadib markii uu saaka warbaahinta la hadlay Xildhibaan Barkhad Batuun oo isagu sheegay in aan la aqbali karin in danyar ganacsato ah laga saaro dhulkaasi, isaggoo shaaciyay inuu kacdoon shacab hoggaamin doono.

“Qofkii daruuf iyo dan ayaa soo saartay, haddana in lagaga daba tago meeshii yareyd oo la yiraahdo guura, wax milgaha iyo sharafta dowladnimo meel ka gala maaha,” ayuu yiri Xildhibaan Barkhad Batuun.

“Suuqii Waaheen ayaa ka gubtay dadkan, haddii la doonayo oo Dooxii iyo dariiqyadii iyaga oo dhismihii dhamaan lagaga daba tago waxay aheyd in beddel loo sameeyo. Haddii ka ganacsadaha weyn ay dowladda tixgelinayso danyartana annaga ayaa tixgelineyna.”

Maayirka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo tan iyo markii uu ku guuleystay xilkaan horumar muuqda ka sameeyay caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxaa dul hoganaya eedeymo dhowr ah, oo ay qeyb ka tahay middaan.