Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Daladda Qaadka ee Nyamita oo ka dhisan dalka Kenya, Kimathi Munchuri oo toddobaadkan Muqdisho uga qayb galay Shirka Maalgashiga Soomaaliya ayaa sheegay in ay yihiin dunta isku xirta ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya.

“Waxaan qorshaynay oo aan abaabulnay oo nalaga codsaday in aan kasoo qayb galo shirka maalgashiga Soomaaliya ee 2024, waayo dallad ahaan waxaan matalnaa danaha beeraleyda qaadka Kenya. Waxaana dareensanahay in aan nahay dunta isku xirta ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya. Sidaas darteed ayaanu shirka uga soo qaybgalay,” ayuu yiri guddoomiye Kimathi Munchuri.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay inay Soomaaliya la fududeeyaan, sidii ay dalkooda ugu dhoofi laheyd kalluunka, tallaabadaan ayaa fursad fiican u noqonaysa ganacsatada Soomaaliyeed, walow kalluunka Soomaaliya uu hadda tartiib-tartiib ah u gaaro suuqyada dalka Kenya.

“Markay maciishadaada ganacsi tahay waxa loogu isticmaalka badan yahay, waa in aad xiisaysaa (maalgashiga Soomaali) waana sida gudashada masuuliyad bulsheed dhankayaga in aan qayb ka ahaano Soomaaliyada koreysa,” ayuu yiri guddoomiyaha dallada ganacsatada ka ganacsata qaadka Kenya.

Kalluumaysatada Soomaaliyeed ma helaan fursad badan oo dalalka gobolka ay ugu iib geeyaan kalluunka ay ka heli karaan badda Soomaaliya oo ah tan ugu qeyb gobolka, waxaana xusid mudan in baahida loo qabo kalluunka ee gobolka taala ay ballaaran tahay.

Markii tusaale loo soo qaato Itoobiya iyo Kenya oo deris la ah Soomaaliya dalabaadka ka yimaada ee kalluunka waa kuwo aad u badan, hadana ma jiro heshiisyo dhaqan galay oo ganacsatada Soomaaliyeed u ogolaanaya inay ka faa’iideystaan fursadaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu xukunka yimid dhiggiisa dalka Kenya la saxiixday heshiis wax isweydaarsi ah, kaas oo ka koobnaa 10 qodob ayna ugu muhiimsanaayeen in Soomaaliya ay dalka Kenya u dhoofi doonto kalluunka, halka Kenya loo ogolaaday inay Soomaaliya u soo dhoofiso qaadka oo markaas ku jiray hakad ay gelisay dowladdii Farmaajo.

4 maalmood kadib markii heshiishkaas la kala saxiixday Kenya waxay bilowday in ay Soomaaliya u soo daabusho qaadka, waxayna ka samaysay lacag dhan 221 milyan oo shilinka Kenya ah $1.9 Million, balse dhanka Soomaaliya wax faa’iido ah kama helin, maadaama uusan dhaqan gelin qodobkii ahaa in Kaluunka Soomaaliya si joogto ah loogu dhoofiyo Kenya.