Madaxda sare ee Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan xasaasi ah kadib heshiiskii

Nairobi (Caasimada Online) – Shir laba geesoodka ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo daba socda heshiisyo xasaasi ah oo labada dhinac ay shalay ku saxiixeen Kenya ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda sare ee labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shirka laba-geesoodka ah ayaa xoogga ku saaray xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexeysa labada dal, iskaashiga gobolka ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka iyo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato isku xirnaanta Bariga Afrika.

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo madaxweyne ku-xigeenka dalkaas Rigathi Gachagua ayaa ahaa mid daba-socday heshiisyadii ay shalay wada gaareen labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu adkeeyay sida wada-hadallada labada geesoodka ah ee (JCC) ay u yihiin saldhig wanaagsan oo lagu sii xoojin karo xiriirka labada dal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka wadahadallada iyo heshiisyada la gaarayo.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay ra’iisul wasaaruhu saameynta taban ee isbeddelka cimilada oo labada dalba saameeyay, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamza iyo madaxweyne ku-xigeenka Kenya Gachagua ayaa yeeshay kulan gaar ah oo lagu xoojinayey xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shalay galab gaaray heshiisyo ku saabsan dhinacyada; arrimaha dibedda, nabadgalyada, dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada iyo arrimaha adeegga bulshada, ayaa waxaa ka dhashay durba fal-celin xooggan, ayada oo dadka siyaabo kala duwan uga hadleen.