Daawo: DF oo soo bandhigtay muuqaalka duqeyn lagu laayey Al-Shabaab isbaaro u taallay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta baahisay muuqaalka diyaarad si toos u duqeneyso maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan tuulada Furuqley oo hoostegta degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeyntan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliya iyo Saaxibada Caalamiga ah ayaa lagu beegsaday Geed wayn oo ku yaalla tuulada, isla markaana ay isbaaro u taalay xubnaha kooxda Al-Shabaab, halkaas oo ku qaadayeen lacago.

Muuqaal ay duubtay diyaaradda oo haatan la baahiyay ayaa waxaa la arki karaa xubnaha oo geedka isku qarinaya, kadibna ay gantaallo ku dhufaneyso diyaaradda.

Sidoo kale waxaa kasoo muuqday shacab soo baxay oo ku sugan tuulada uu weerarka ka dhacay, kuwaas oo ay diyaaraddu aysan beegsan, maadaama bartilmaameedka kaliya uu ahaa kooxda Al-Shabaab oo halkaas ku noqday dhimasho iyo dhaawac.

Inta uu howlgalkan socday waxaa sidoo kale kaamirada ay soo qabatay baabuur gurmad ku yimid meesha iyo xubno kale oo Shabaab ah oo duqeyn labaad lala beegsaday.

Ujeedka kooxdan dambe ayaa ahaa inay goobta ka daabulaan maydadka iyo dhaawac, balse waxaa haleeshay duqeyntii labaad, sida laga dheehan karo muuqaalka.

Inta badan diyaaradaha dagaalka ee hawada ka taageero ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weeraro duqeymo ah la eegtay xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka, waxaana badanaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.