Maxay ka hadlen Xamza iyo madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya? + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan magaalada Nairobi ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaaladaais, kuwaas oo uu la qaadanayo madaxda sare ee dowladda Kenya.

Xamza ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Rigathi Gachagua oo soo dhaweyn ugu sameeyay xarunta madaxtooyada ee dalkaasi.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee labada dal, sida lagu sheegay qoraalka kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ,kaa oo ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee labada Dal” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo laba geesood ah oo ay yeesheen wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xamza iyo dowladda Kenya, kaas oo xoogga lagu saaray xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexeysa labada dal, iskaashiga gobolka ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka, iyo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato isku xirnaanta Bariga Afrika.

Kulankan ayaa ahaa mid daba-socday heshiisyadii ay shalay wada gaareen labada dal ee ay saxiixeen wasiirada arrimaha dibadda iyo waxbarashada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay wuxuu adkeeyay sida wadahadallada labada geesoodka ah ee (JCC) ay u yihiin saldhig wanaagsan oo lagu sii xoojin karo xiriirka labada dal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka wadahadallada iyo heshiisyada la gaarayo.

Sidoo kale wuu ka hadlay saameynta taban ee isbeddelka cimilada oo labada dalba saameeyay, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay u qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xoojinayo xiriirkooda, waxaana ugu muhiimsan iskaashiga ganacsiga oo uu ugu horreeyo Qaadka.