30 DAL oo Soomaaliya ku taageeray kursi muhiim ah oo muddo ay raadineysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo raadineyo xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee 2025-2028 ayaa haatan taageero wayn ka heshay ku dhowaad 30 dal oo Afrikaan ah, sida uu shaaciyay, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay dadaalka dowladda ee kursigaasi.

Kursigan ayaa waxaa Soomaaliya ugu sharraxan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, taas oo haatan wadda ololaheeda ku aadan kursigaasi.

Fiqi ayaa tilmaamay in Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay ku jiraan dhowaad 30 dal oo Afrikaan ah ay taageerayaan musharraxnimada Fowsiya Yuusuf Xaaji oo metaleysa Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in arrintan ay guul weyn ay u tahay Soomaaliya oo dadaal xoogleh gelineyso kursigan oo ay kula tartami doonto Kenya.

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay waddamada ballan-qaadka codka ah u sameeyay Soomaaliya ee kamid a Ururka OIC oo xubin buuxda ka tahay dowladda federaalka.

“Soomaaliya waxay aad uga mahad-celineysaa taageerada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ay ku jiraan ku dhawaad 30 xubnood oo ka socda Afrika, sida ay u garteen oo ay u taageereen magacaabista Soomaaliya ee Fowsiya Yusuf Aadan oo ah musharaxa Soomaaliya ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee 2025-2028.” ayaa yiri wasiir Fiqi.

Tartanka adag Fowsiya waxay la geli doontaa hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo u ololeynayay inuu noqdo musharraxa dalalka Bariga iyo Bartamaha ee EAC ay taageerto.

Fowsiya waxay noqon doontaa marka ay guuleysato haweeneydii labaad oo madax ka noqoto Midowga Afrika, kadib Nkosazana Dlamini-Zuma ee Koonfur Afrika.

Sida ku cad xeerarka wareegtada ee la sameeyay sanadkii 2018, gobolka Bariga Afrika waa inuu noqdaa kan ku xiga ee soo saaraya Guddoomiyaha AUC. Laakiin xeerarka doorashada ayaa ogolaanaya in tiro badan oo musharraxiin ah ay ka yimaadaan gobolka, taasoo sii hurinaysa tartan degdeg ah oo loogu jiro doorashada sanadka soo socda ee Febraayo.