Xog: Buuq iyo cabasho ka taagan garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lasoo warinaya inay qorsheynayso in la yareeyo shirkadaha ka howl-gala garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qorshahan ayaa si gaar ah wuxuu u saameeynaya duulimaadyada Nairobi-Muqdisho iyo Muqdisho-Nairobi.

Maalinkasta waxaa Muqdisho iyo Nairobi ka shaqeeya siddeed duulimaad ama diyaaradood oo ay mid kamid ah leedahay dowladda Kenya waana Kenya Airways, halka kuwa kale ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qorsheynaya in la kordhiyo tikidhka qiimihiisa. Hadda 260 dollar ayuu qofkii Muqdisho ka baxa ku tega dalka Kenya oo uuna kusoo laabanaya xisaab intaas lamid ah.

Laakiin markaan wuxuu qorshuhu yahay in lacagta la gaarsiiyo illaa 360 dollar oo lagu daro 100 dollar oo dheeraad ah lagu daro, sida ay warinayaan xubno kamid ah saraakiisha garoonka.

Arrintan ayaa waxay saameyn weyn ku yeelan karta ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Muqdisho iyo Kenya, gaar ahaan kuwa diyaaradaha, sababta oo ah waxaa la doonayaa in la yareeyo shirkadaha duulimaad ee halkaasi ka shaqeeya iyo sidoo kale in la kordhiyo qiimaha.

Sidoo kale waxay arrintaan saameyn ballaaran ku yeelan doonta dadka Soomaalida ee iskaga safra Kenya iyo Soomaaliya. Nairobi ama guud ahaan dalka Kenya iyo Soomaaliya waxay yihiin hadda meelaha ugu badan ee duulimaadyada ama dadka iskaga safraan.

Haddii Kenya shirkadaha ka howl-galaya la yareeyo waxaa kordhi doona qiimaha lagu tagayo Kenya ama looga soo laabanayo, taasi oo sababi doonta sicir barar xoog leh iyo inay yaraadan socdaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Weli majirto wax war ah oo aan ka helnay dhinaca wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya marka laga reebo xogaha hordhaca ah ee warinaya in dowladda ay qorsheynayso in la yareeyo tirada shirkadaha duulimaadyad ee halkaasi ka shaqeeya, taasi oo saameyn dhinacyo badan ka dhalan doonto.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay kordheen khilaafyada u dhaxeeya wasaaradda gaadiidka iyo shirkadaha duulimaadyada ka shaqeeya, ayada oo toddobaadyo kahor ay aheyd markii shirkadaha diyaaradaha ka shaqeeya ee Soomaaliya ay diideen lacago dheeri ah oo ay kusoo rogtay wasaaradda, midaasi oo maalmo hakad gelisay duulimaadyadii shaqeynayay, ayada oo ugu dambeyntiina lagu fasaxay go’aan kasoo baxay ra’iisul wasaare Xamza.