NISA oo fashilisay isku dey dil, gacantana ku dhigtay Al-Shabaab-kii fulin rabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyey isku day dil oo xubno Shabaab ah ay rabeen inay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

NISA oo soo bandhigtay labada nin oo mid kamid ah uu meyd yahay, ayaa waxay dilka ka fulin rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa helay xogta labada dhagarqabe, kadibna waxaa lagu sameeyey daba-gal inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii, sida ay goordhowey shaacisay NISA.

“Kadib waxaa halkaas lagu dilay mid kamid ah dhagarqabayaashii, iyada oo kii kale nolosha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay, dhaawaca kan nolosha lagu hayo iyo labo bistooladood oo ay ku hubeysnaayeen, islamarkaana ay qorsheynayeen inay dil ku geystaan.

Arrintan ayaa imaneysa xilli maalmihii u dambeeyay ay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay ka dhacayeen falal ammaan darri ah oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo weeraro loo adeegsanayay hoobiyeyaal kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha caasimadda.

Dhammaan weeraradan ayaa dhacay, ayada oo weli dadaallo amni sugid ah ay wadaan ciidamada ammaanka oo bilo kahor ku guuleystay inay xasiliyaan amniga Muqdisho.