Arrinta keliya ee looga baaqsan karo in Muqdisho uu ku laabato xaalkii xumaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii tegay dib ugu soo laabtay toogashooyinka ay geysanayaan kooxaha argagixisada. Kadibna waxaa sahal noqotay inay baxsadaan falka kadib.

Dilkii ugu dambeeyay waxaa xaafada Iskuul Buluusiyo loogu geystay Korneyl Aadan Cumar Axmed (Aadan Biit) oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, gaar ahaan Booliska.

Marka aad maqasho dilaagii waa baxsaday keliya ma ahan gaabis ciidan ee sidoo kale waxaa maqan wada-shaqeyntii laamaha amniga iyo shacabka magaalada.

Dib haddii aad u raacdo diiwaanka dhamaan dilayaashii lagu qabtay goobta ay falka ka fuliyeen waxaa iska kaashaday ama ay ku timid wada-shaqeynta shacabka iyo ciidanka.

Bartilmaameedka argagixisada waa qof walba oo aan fikirkooda raacsaneyn, haddii aanad argagixisada ku fikir aheyn waxay raadinayaan inay ku dilaan.

Sidaas darteed majirto sabab aad u sugto, waxa ugu horreeyay ee ku banaana waa inaad la shaqeysa ciidanka oo la wadaagta Garanwaaga iyo kuwa aad ka qabto shakiga ama aad xogtooda hayso, si aad u badbaado oo dadkana u badbaadiso.

Baahida ugu badan ee amniga waxaa qaba shacabka ku nool magaalada Muqdisho, haddana badankood ma caawinayaan kuwa doonaya inay difaacaan oo ah ciidanka.

Si loo soo afjaro toogashada socota, argagixisada ku dhuulaameysanaysa caasimadda, aadna u badbaadiso naftaada iyo midda walaalka la shaqeey laamaha amniga.

Dowladdana waxaa laga rabaa inay xafido xogta shacabka caawinaya ciidanka iyo inay dhisaan hal abuur cusub oo ay ku heli karaan gacanta shacabka. Xalka toogashadu waa xoojinta isku xirnaanta ciidanka iyo shacabka