Safiirka UK oo la kulmay madaxda DF kadib kulankii SACIID DENI – Maxaa socda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mike Nithavrianakis.

Kulankan oo ka dhacay gudaha safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ugu muhiimsan yihiin; dib u xoreynta, xasillinta iyo soo kabashada hore, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha doorasho ee dowladda Soomaaliya.

Safaaradda Britain ayaa xaqiijisay inay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso, islamarkaana ay taageerto ajendayaasha iyo waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda federaalka Soomaaliya, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Kulanka Amb. Mike Nithavrianakis iyo Wasiir Xoosh ayaa imanaya maalmo un kadib markii uu Safiirka uu booqasho ku tegay magaalada Garoowe, uuna la kulmay madaxweyne Saciid Deni oo xilligaan ay si weyn isku hayaan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulankaasi oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxa uu safiirka kala hadlay Saciid Deni khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka, si gaar ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo hadda maraya meel xasaasi ah.

Safiirka ayaa markaasi Saciid Deni ku booriyay muhiimada ay leedahay in la wada-hadlo, xilli ay wakiilada caalamiga ah ay ku cadaadinayaan labada dhinac inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

Kulanka maanta ka dhacay xerada Xalane oo ay ku taallo safaaradda Britain ee Soomaaliya ayaa waxaa la fahamsan yahay inuu daba socdo kulankii Garoowe, waxaana xilligaan wakiilada caalamka ay dhinacyada cadaadis ku saaranayaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka, oo dhawaan meeshii u sareysay gaaray.