Qiso la yaab leh oo ka soo baxday Osama Bin Laden

Sideed dareemi lahayd haddii xilliga cashada uu “kuu soo martiyo” qofka loogu doonista badan yahay adduunka?

Ninkaasi waxaa uu ahaa hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden, waxaana gurigii lagu martigelinayay xagaagii 2010 uu ku yaallay gobolka Waziristan oo ah gobolka ay dagaan qabaa’ilka Pakistan.

Hal sano oo kaliya ka dib martiqaadkan, Usama bin Laden ayaa May 2, 2011 lagu dilay hawlgal ay ciidamada badda Maraykanku ka fuliyeen magaalada Abbottabad, Pakistan.

Sanad ka dib dhimashadiisii, 2012, waxaa soo baxday sheeko gaar ah oo ku saabsan labadan qof ee Waziristan ay uga sheekaynayeen taasi oo ku saabsan markii Usama bin Laden lagu casuumay gurigooda, laakiin dadkii martiqaadka sameynayay xilligaasi ma aysan aqoon cidda martida u ah.

Marka loo eego sheekadii habeenkaas sida uu sheegay Ilyaas Khan, qoys daggan Waziristan ayaa sugayay qof soo booqan doona kaas oo lagu wargeliyay dhowr toddobaad ka hor inuu yahay ‘qof muhiim ah’. oo u soo martin doona.

Looma sheegin magaca martida iyo waqtiga gaarka ah ee uu martida imaanayo sidoo kale saacado yar ka hor ayaa loo sheegay. Kow iyo tobankii habeenimo xilli dadka deegaankan ay hurdeen ayaa waxa ay maqleen dhawaqa baabuurta ku soo wajahan taasi oo ah martidii ay sugayeen.

Mid ka mid ah dadkaas oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo oo faahfaahin ka bixiyay dhacdadan, ayaa sheegay in “ilaa 12 gawaarida nooca Jiibka oo waaweyn oo isku mid ah ay soo galeen goobta kuwaasi oo ka kala yimid jihooyin kala duwan”.

Gawaarida mid ka mid ah ayaa istaagay afaafka hore ee guriga , waxaana kursigii dambe ka soo baxay nin dheer oo xiran cimaamad cad iyo khamiis.

Waxay ahayd xilli mugdi habeen ah, dadkii martida loo ahaa ee Waziristan indhahooda way rumaysan waayeen , sababtoo ah qofka hortooda taagan ma ahayn qof caadi ah, balse waa qofka loogu doonista badan yahay adduunka, Usama Bin Laden, oo aan ahayn oo keliya awood sare aduunka laakiin leh awoodda buuxda ee ururka Al-Qaacida.

Usama Bin Laden, Waxaa lagu raadinayey dhaqaale badan, islamarkaana cidda keenta macluumaad ku saabsan waxaa loo ballan qaaday abaal-marin lacageed oo dhan 1.5 milyan dollarka Maraykanka.

“Waan argagaxnay,” ayuu yiri qof ka soo jeeda deggaanka Waziristan. Ma aanan filayn in martida guriga noogu timid uu noqon doono Usaama.

Osama Bin Laden ayaa gaariga ka soo degay, wuxuuna gacan qaaday dhammaanba dadkii. hogaamiyaha qabiilka Waziristan, ayaa wuxuu qabtay gacanta Usaama oo dhunkaday sidoo kale wajiga ayuu gacanta ka mariyay.

Usaama waxa uu gacanta saaray garabka ku-xigeenkiisa waxaa uuna u soo dhaqaaqay dhinaca qolkii loo diyaariyey martida. Dadkii guriga joogay ayaan gudaha u gelin, waxaana joogay oo kaliya labadii nin ee la socday Usaama.

Waxaa xusid mudan in dhacdadan ay ku beegneyd sanad ka hor geeridii Usaama xilli uu ku sugnaa magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, oo 300 km oo kaliya u jirta tuulada habeenkaas lagu martiqaaday.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan dhimashada Usaama, ninkii hore ee martida u ahaa ayaa u sheegay dhawr saaxiibbadiis ah oo ku saabsan booqshadaan lama filaanka ahayd. Waxa uu shuruud ka dhigay in la qariyo magaciisa iyo deegaankiisa.

Sida uu sheegay, Usama Bin Laden waxa uu habeenkaas ku sugnaa ku dhawaad 3 saacadood, waxaana uu ku tukaday salaada, nasasho ka dib, waxa martida lagu soo daweeyay bariis iyo hilib digaag.

Inta lagu guda jiro xilligaan ayaa waxaa loo diiday in ay ka baxaan xarunta, mana jirto cid gudaha u soo gali karta, iyadoo saqafka sare iyo hareeraha xarunta ay ku sugnaayeen rag hubeysan oo dhammaan isku gadaamay.

Markii ninkii martida loo ahaa uu codsaday in aabbihii oo 85 jir ah loo ogolaado inuu la kulmo Usama Bin Laden, ilaaladii Usama waxay u ekaayeen kuwo aan hadalkaas dhibsan. Si kastaba ha ahaatee, ninkii martida loo ahaa ayaa codsaday in loo aqbalo rabitaanka aabihiis, sidaas darteed fariinta waxaa loo gudbiyay hogaamiyaha Al-Qaacida, wuuna aqbalay.

Afar ilaalo ah ayaa lagu daray ninkii martida loo ahaa si ay u soo qaadaan aabbihii, markii goobta uu ku jiray la soo galiyay aabahan da’da ah ayaa lagu wargaliyay joogitaanka Usama Bin Laden.

Ninkii martida loo ahaa oo da’ dhexaad ahaa ayaa muddo 10 daqiiqo ah la qaatay Usaama, sida uu sheegay, waxa uuna ugu duceeyay hoggaamiyaha Al-Qaacida luuqadda Pashto.

Usaama iyo ilaaladiisii ayaa muddo ka dib iasaga tagay halkaasi.

Gawaaridii jiibabka ahaa ayaa dib uga soo baxay xarunta, waxayna u kala yaaceen jihooyin kala duwan. Dadkii martida loo ahaa waxay qiyaasi waayeen kii uu ahaa baabuurka Usaama ku jiray iyo jihada uu u dhaqaaqay.

Markay sheekadan ka sheekaynayeen, dadkan reer Waziristan waxay ku adkaysteen inaanay ka hadli karin qofka ka codsaday inay martida u diyaariyaan, martiqaadka iyo cuntada. Waxa kale oo uu ka gaabsaday inuu ka hadlo dadka la socday Usaama.

Waxaa xusid mudan in kadib geeridii Osama ee Abbottabad, maamulada Mareykanka iyo Pakistan ay sheegeen in hogaamiyaha Al-Qaacida uu keligiis ku noolaa magaalada muddo ku dhow shan sano, mudadaasna uusan ka bixin xaruntiisa.

Laakiin sheekadani waxay caddaynaysaa in sheegashadani aanay run ahayn. Si kastaba ha ahaatee, su’aalo badan ayaa weli aan laga jawaabin.

Aagga uu Usama si lama filaan ah uga soo muuqday habeenimadii 2010-kii ayaa ahayd dhul aad u baaxad weyn oo fog, isla markaana ciidamada Pakistan ay dhowr jeer ka fuliyeen hawlgallo ka dhan ah mintidiinta gobolka Waziristan. Waxaa is waydiin mudan Sidee Usaama Bin Laadin uga baxsaday isbaarooyinka ay joogaan ciidamada Pakistan?

Dowladda Pakistan iyo militariga Pakistan ayaa had iyo jeer beeniya inay wax xog ah ka hayaan Usama Bin Laden, sida ay sheegeen hoggaamiyaha Al-Qaacida ma jirin wax taageero ah oo ay u hayeen.

arrinta kale ee is weydiinta mudan ayaa ah qofka aan la aqoon ee dahsoon balse saameynta ku leh ee soo agaasimay hoyga iyo cuntada iyo sidoo kale goobaha safarka ee Usaama Bin Laadin.

Waa maxay ujeedada booqashada Usaama iyo ugu dambeyntii qofka loogu doonista badan yahay adduunka. lama garanayo dadka martida loo yahay.

Xigasho: BBC Somali