Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ku amray dhammaan ajaanibta sida sharci-darrada ah ku jooga deegaannadeeda inay muddo toban maalmood gudahood ah kaga baxaan, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay mid lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida guud ee Somaliland.
Amarkan waxaa ku dhawaaqay Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), oo sheegay in laamaha ammaanka la faray inay si taxaddar leh u fuliyaan qorshaha la xiriira dadka ajaanibta ah ee aan sharciyeysneyn.
Wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka loo xil-saaray inay muddada 10-ka maalmood ah gudaheeda ka shaqeeyaan hirgelinta amarka, isaga oo shacabka ugu baaqay inay laamaha ammaanka ku wargeliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan.
“Waxa la farayaa laamaha ammaanka inay si taxaddar leh u maareeyaan arrimaha dadka ajaanibta ah si ay muddo 10 maalmood ah uga baxaan dalka oo dhan. Shacabka waxaan farayaa inay laamaha ammaanka ku wargeliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan. Waxa aynu ilaalinaynaa amnigeenna, waana masuuliyad saaran qof kasta,” ayuu yiri Wasiir-u-dawlaha.
Maamulka Somaliland ayaa ajaanib u aqoonsan dadka aan ka soo jeedin deegaannadeeda, oo ay ku jiraan Soomaalida ka timaadda deegaannada kale ee dalka, sida koonfurta Soomaaliya.
Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in Somaliland ay heshay dareen iyo indho caalami ah, isla markaana la filayo inay yimaadaan maalgashadayaal badan, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid muhiim ka dhigaysa xoojinta amniga iyo ilaalinta xasilloonida.
Hase yeeshee, wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in shacabka aanay gacantooda ku qaadan fulinta sharciga, isla markaana aanay cidna su’aalo weydiin karin ama tallaabo ka qaadi karin dadka ajaanibta ah, maadaama arrimaha la xiriira ajaanibta sharci-darrada ah ay u xilsaaran yihiin xukuumadda iyo hay’adaha socdaalka.
Wasiir-u-dawluhu wuxuu sidoo kale sheegay in dadka ajaanibta ah ee si sharci ah ku jooga Somaliland ay nabad ku sii joogi doonaan, halka kuwa aan haysan sharciyaddana laga doonayo inay si nabad ah uga baxaan deegaannada Somaliland.
Somaliland ayaa hore dhowr jeer u soo saartay awaamiir iyo digniino la xiriira joogitaanka ajaanibta sharci-darrada ah, iyadoo qaar ka mid ah dadkaas xilliyo kala duwan la siiyay sharciyo ay ku shaqeystaan kuna degganaadaan Somaliland, halka kuwo kalena laga dalbaday inay waafajiyaan joogitaankooda shuruucda socdaalka, iyadoo qaarna laga masaafuriyay dalka.

