Somaliland oo si yaab leh u weerartay Reer Galbeedka iyo Carabta taageera Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa weerar culus ku qaaday waddamada Reer Galbeedka iyo Carabta ee taageerada siiya dowladda federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa sheegtay in taageerada ay waddamada Reer Galbeedka siiyaan dowladda Soomaaliya ay khatar ku tahay deganaanshaheeda gudaha, ayada oo sheegtay inay dalalkaan kala safan doonta kuwa ay is-hayaan.

Arrintaan oo lagu sheegay warbixin dheer oo uu sii daayay Millateriga Somaliland, oo uu ku saxiixna Taliye Nuux Taani ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidamo dalalkaasi ay u tababareen Soomaaliya ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Laascaanood.

“Deeqaha dhaqaale iyo tababarka ciidamada ee waddamada Galbeedka iyo Carabta ay siiyaan Soomaaliya waxay khatar ku yihiin ammaanka Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Millateriga Somaliland.

Askar ay tababareen Mareykanka iyo ‘Imaaraadka’ ayay xustay Somaliland inay ka dagaalameen Laascaanood, taasi oo sababtay in ay magaalada gasho xaalad hubanti la’aan ah.

Sidoo kale waxay warbixinta tilmaamaysa “in Laascaanood ay gacanta ugu jirto xoogag argagixiso qeyb ka tahay, kadib markii ciidamadadii loo tababaray Soomaaliya iyo taageeradii dhaqaale ee la siiyay loo isticmaalay in Somaliland lagu bur-buriyo,” sida lagu yiri qoraalka.

“Aqoon-yahano badan ayaa aaminsan in taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya ay sababi karto dagaal balaaran hadii Soomaaliya ay soo weerarto Somaliland, dagaalka Laascaanood waa calaamad walaaceeda leh, iyada oo askartii ay tababareen Mareykanka iyo Eritrea argagixiso ay la dagaalamayan Somaliland.

Somaliland ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay xulafo la noqon doonto waddamo ay kamid yihiin Shiinaha, Ruushka iyo Iran, haddii ay taageero buuxda ka weydo Reer Galbeedka sida weyn u taageera dowladda federaalka Soomaaliya.