Booliska Muqdisho oo soo qabtay rag baxsad ahaa oo kiis xasaasi ah loo haysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay saddexda nin oo muddo baxsad ahaa, oo lagu raad-joogay.

Saddexdan nin oo mid kamid ah uu ka tirsan yahay ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa loo haysta dilka wiil yar oo Ardey ah oo 18 Jir ah, kaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Isaaq.

“Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir oo hawl-gallo kala duwan sameeyey ayaa ugu dambeyn waxaa u suurto-gashay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaashii falkaas ku eedeysnaa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Eedeysanayaashan ka kooban saddexda xubnood ayaa waxay magacyadooda kala yihiin;

1. Cabdi Axmed Cadow (Maleeshiya)
2. Axmed Maxamed Raage (Qataatow) – Askariga CXDS.
3. Farxaan Aadan Nuur (Maleeshiya)

Dilka wiilka yar ee ay ku eedeysan yihiin saddexdan nin ayaa dhacay taariikhdu markey ahayd 10-ka April 2024, abaaro 11:45PM oo ku beegnayd habeenkii ciidul fidriga la sugayey degmada Deyniile gaar ahaan Eeriya Ceel-dacas oo u dhow deegaanka G/baaley, sida uu shaaciyay booliska.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka booliska “Waxaas halkaas xabado lagula furay gaari borobakis ah oo soonahaas maraayay, waxaana falkaas arxan darada ah ku geeriyooday marxuum Cabdullahi Cabdi Isxaaq oo 18 jir arday ahaa.”

Eedeysanayaasha ayaa waxaa saacadaha soo socda la horgeyn doona maxkamada, si loo marsiiyo cadaaladda, sida lagu shaaciyay qoraalka taliska booliska.