Fal-celin xooggan oo ka dhalatay ‘dhaar cusub’ oo R/W XAMZA uu mariyay wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaarha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay la saxiixday 15 kamid ah Golaha Wasiirrada ballan-qaadka iyo qiimeynta waxqabadka 4-tii bilood ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale saxiixan ayaa waxaa qeyb ka ahaa hiigsiga waxqabadka wasiiradda 15-ka ah ee inta ka dhiman sanadkan.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo qoraal soo saaray ayaa tallaabadan ku macneeyay inay qeyb ka tahay hannaanka casriyeynta dowladnimada, xoojinta hufnaanta iyo xisaabtanka.

Xamza ayaa sidoo kale faray wasiirrada in si dhab ay uga shaqeeyaan ballan-qaadka ay saxiixeen ee ku aaddan qorshaha hiigsiga 2024 ee xukuumadda Dan-Qaran, lagulana xisaabtami doonno wasaaradda walba mas’uuliyadda saaran.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay tallaabadan?

Tallaabadan uu qaaday ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo dad badan ay su’aallo ka keeneen ujeedada dhaarta xafiiska haddii heshiisyadan oo kale loo arko inay lagama maarmaan u yihiin xaqiijinta mas’uuliyadda loo igmaday.

“Xukuumad iyadii heshiis isla galayso!,” ayuu yiri Maxamed Faarax Geedi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabadan.

Xudeyfa Cabdi Cali ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Wasiirada qaar afar bil iska dhaafe bilna xafiiska ma joogaan, sidre marka macquul ku tahay in la yiraahdo waxqabadka afartii bil ee lasoo dhaafay ayaa wax la iska waydiina?.”

“Dan-Qaran caadi ma aha shaqo ayay hayaan,” ayuu yiri Ibraahim Yare oo isna ka fal-celiyay arrintaan.

Tallaabadan ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay shaki horleh, maadaama ay inta badan ka maqan yihiin wasiirradii ugu muhiimsana, sida wasiirka maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda ayaa maqnaashihiisa heshiiskan muhiimka ah uu dhaliyay shaki badan, gaar ahaan tan iyo markii baaritaanadii musuq-maasuqa ee dhawaan ay ku lug yeesheen hay’addo muhiim ah oo ay ku jirto wasaaradda maaliyadda.

“Wasaaradda maaliyada xagee looga tagay meesha ugu muhiimsan ee la rabo in lala xisaabmo ayey ahayd?,” ayuu yiri Faysal Caaqil oo kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee tallaabadan ka hadlay.

Si kastaba, Arrintaan ayaa dadka qaar ku riday jawhareersan, iyada oo ay ka dhasheen su’aallo badan sida ay dowladda uga go’an tahay hufnaan iyo isla xisaabtanka iyo weliba sida wasaarradii ugu muhiimsana loo siineyn mudnaanta.