Maxay tahay farriinta ay DF u dirtay saxaafadda xilli ay tacadiyo ka tirsanayaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta hambalyo ku aadan 3-da May u dirtay Saxafiyiinta Soomaaliya, maadaama ay maanta asteysan tahay dabbaal-dega maalinta caalimaga ee xorriyadda saxaafadda oo ku asteysan 3-da May.

Xuska sanadkaan ayaa loogu magac daray udabbaal-degga maalinta xorriyadda saxaafadda iyo xoojinta kaalinta warbaahinta ee xasaradaha ka dhasha isbedelka cimilada, sida uu shaaciyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka oo qoraal soo saaray ayaa wariyayaasha ku dhiira-galiyay inay door xooggan ka qaataan wacyi-galinta qatarta dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada oo si weyn u saameeyay dunida oo dhan, Soomaaliduna ay dhibanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka kamid tahay.

“Munaasabadda qiimaha leh ee maalintan caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda awgeyd waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro Wariyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daah-furnaanta iyo dimuqraadiyadda,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan qirayaa in doorkiina (saxaafadda) wacyi dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah.”

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda, badqabka saxaafadda, hubinta daah furnaanta iyo xaqa xog helista wariyayaasha, xilli ay saxaafadda Soomaaliya ka tirsaneyso tacadiyo badan.

“Waxaa ajande weyn inoo ah taageerada iyo dhiiragalinta warbaahinta, ka dowlad ahaan waxaa naga go’aan in aan kor u qaadno tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta, waxaan aaminsanahay wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan in ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro,” ayuu markale yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa intaas kusii daray “Dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay dhowaan meel mariyeen Golaha wasiirada waa tallaabo hore loo qaaday si loo xoojiyo daah furnaanta iyo isla xisaabtanka, hawshani waxa ay muujinaysa sida dowladdu uga go’an tahay xoojinta warbaahinta iyo dhiira-galinta dhaqan galinta mabaadi’da iyo anshaxa suubban ee Saxaafadda.”