Maxaa ka socda dhulka qabuuraha iyo toogashada Iskuul Buluusiyo ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Fadeexadaha dhulalka ee ka taagan magaalada Muqdisho waxay markaan ku fideen qabuuraha.

Waxaa shalay qabuuraha Iskuul Buluusiyo laga saaray meydad uu ku jiray meydka Allaha u naxariiste majaajilistihii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo caan ku ahaa naaneysta Ajakis, kaas oo qabuurahaasi lagu aasay dhowr sano kahor.

Qoyskiisu waxay sheegeen in lagu wargeliyay in dhamaan meydadka laga saari doono dhulkaasi ayna kooda la baxaan. Laakiin ma aanay sheegin cidda amarkaasi bixisay.

Xogo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in qoyska lagu cadaadiyay inay ereygaasi ka laabtan, oo ay ku beddelaan inay iyagu khiyaarkooda ula baxeen.

Laakiin duruufta dib loogu soo faagi karo meyd saddex sano la aasay waa la fahmi karaa in aanay aheyn khiyaar caadi iyo howl fudud.

Qabuurahan ayaa la sheegay in marhore darbi lagu wareejiyay, dadka qaarna si hoose loogu wargeliyay inay meydadka ehelkooda la baxaan.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh iyo cid walba masuuliyad ayaa ka saaran xurmaynta meytada, laakiin madaxda bixisay amarkaasi dadka ma siinin dhul kale oo meydadka ku aastan.

Goobuhu waa labo qeybood, waa qeybta qabriyada iyo qeybta toogashada. Dadka qaar ayaa sheegaya in ganacsato la siiyay qeyb kamid ah dhulkaasi.

Halka xubno ka tirsan dowladda oo la hadalnay ay iyaguna ku doodayaan in qabuuraha loo socon oo la rabo qeybta toogashada iyo dhul u dhow, halkaasina laga dhisi doono xero ciidan.

Maamul xumo, damac yaab leh iyo duulaankii dhulalka oo halkoodii kasii socda ayay noqoneysa farriinta naxdinta leh ee ka timid qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.