Ingiriiska oo shaaciyay inuu DENI kala hadlay khilaafka XASAN iyo laba qodob oo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa shaacisay qodobo xasasi ah oo looga hadlay kulan shalay magaalada Garoowe ay ku yeesheen Safiirka Ingiriiska Danjire Michael Nithavrianakis iyo Saciid Deni.

Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxa uu sheegtay safaaraddu in looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya mdaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, kaasi oo hadda maraya meel xasaasi ah.

Safiirka ayaa Deni ku booriyay muhiimada ay leedahay in la wada-hadlo, xilli ay wakiilada caalamiga ah ay ku cadaadinayaan labada dhinac inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

Hoos ka aqriso saddex qodob oo uu Ingiriiska sheegay in kulankaan looga hadlay;

1. Iskaashiga ama wada shaqeynta Puntland iyo UK, sidii kor loogu qaadi lahaa, iyada oo ay PL horey u dalabtay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha caalamka.

2. Muhiimada ay leedahay in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee khilaafku kataagan yahay, gaar ahaana dibu eegista dastuurka DFS, oo ay Puntland diidan tahay nidaamka ay u martay madaxtooyada Soomaaliya, xili wakiilada caalamiga ah ee loo yaqaano C6+ oo ay UK ka mid tahay, ay ku cadaadinayaan labada dhinac in ay wada hadal siyaasadeed yeeshaan.

3. Sida ay UK gacan uga geysan karto kobaca dhaqaalaha ee mandiqada Puntland, tan waxay qeyb ka ahayd dalabka PL ee ah in mashaariicaha horumarinta gaar dhankooda loo siiyo, xili uusan xariir kala dhaxeynin DFS.

Geedi-socodka dowladnimada iyo nidaamka federaalka Soomaaliya oo kaalin weyn ku laheyd Puntland sida la ogyahay ayaa u muuqda in uu ku laabtay halkii uu marayay 2007-dii, xiligaas oo ahayd markii u horeysay oo Puntland xiriirka u jartay dowladda dhexe.