Muxuu yahay shirka Nairobi uga socda DF iyo Kenya?

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi maalintii sedexaad ka socoda shir u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Shirkan oo ah midkii 3-aad ee guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya (Joint Commission for Cooperation) ayaa waxaa wafdiga Soomaaliya ku hogaaminaya agaasimaha Afrika wasaaradda arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ah Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Shirkaan heerka farsamo ayaa noqon doona labo kalfadhi Kulamada qeybta gudiga wadajirka ah ee farsamo ee 3-da ilaa 5-ta May iyo kan wasiirada Isniinta 6-da May.

Shirka berri ayaa lagu wadaa inuu shir-guddoomin doono wasiirka arrimaha dibada Amb. Axmed Macallin Fiqi iyo dhigiisa Dr. Musalia Mudavadi.

Inta lagu guda jiro qaybaha dooduhu waxay diiradda saari doonaan dhinacyada horumarinta iskaashiga ganacsiga, kaabayaasha, amniga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha buluugga ah.

JCC ayaa waxaa xigi doona booqashada ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Bare, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.