Sababta Farmaajo iyo Kheyre midkoodna uusan hal jiingad xitaa ugu laheyn XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Qofka doonaya xukun ama haysta ee raba inuu muddo dheer sii joogo kuma mashquulo xoolaha, haddii ay dhacdana waa inuu ka samra sharaf, xukun iyo diiwaan wanaagsan intaba.

Soomaaliya waa dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka maanta. Saddex marxaladood oo dowladeed ayay leedahay Soomaaliya.

Mid waa 1960 illaa 1969, midna waa 1969 illaa 1991, midna waa 2000 illaa 2024. Madaxda ku xusan inta u dhaxeysa ee maamulay nidaam shaqeynaya qof walba wax gaar ah ayuu caan ku yahay.

Laakiin mowduuceenan gaaban wuxuu sheegaya laba kamid ah kuwii la arkay tobankii sano ee ugu dambeysay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, siyaasi macangag ku ah xukun jaceylka, haysta laynka waddaniyada, isku-dayay inuu abuuro dariiq walba uu kusii joogi karo xukunka, ku eedeysan gabood-falo dowladeed, balse aan loo haysan xatooyo xoolo dadweyne.

Dhismaha guutooyin ciidan oo isaga gaar u taabacsan, in 17-ka degmo ee gobolka Banaadir uu u dhiibtay kooxo uu ula baxay xooggaga waddaniyiinta, in hoggaanka ciidamada uu ka nadiifiyay odayaashii kuna bedelay dhalinyaro rajiimkiisa daacad u ah, inuu kor usoo qaaday qabaa’ilada tabashada qabay iyo inuu sawirkiisa ka ilaaliyay in xatooyo lagu lifaaqo ayaa dhamaan ku siinaya inuu ahaa nin ka shaqeynaya inuu waqti dheer sii joogo xukunka.

Saddex sano iyo barkii ugu horeysay muddo xileedkiisa waxaa ra’iisul wasaate u ahaa Xasan Cali Kheyre. Waxaa la sheega inay labadoodu maamuleen dowladdii ugu dhaqaalaha badneyd Soomaaliya 24-kii sano ee u dambeysay.

Laakiin labadaasi nin midkoodna maanta magaalada Muqdisho wax guri ah kuma lahan xitaa jiingad yar, loomana haysto dhul dowladeed oo ay iibsadeen, xilli dad badan oo ay isku xilal qabteen ay leeyihiin hanti badan oo ma-guurto, dhulal iyo diiwaan wasakheysan oo ay xatooyo ku xardhan tahay.

Micnuhu waa xukun ayay kooxdaasi rabtay ee xoolo ma rabin. Dowladnimada Soomaaliya waa madax ka nool, waxaa la yiraahda dhamaan laamaha dowladda waxay u dhaqmaan sida ay madaxweynaha ka arkaan.

Madaxda caalamka soo martay dadka illaa maanta ugu muddo xileedka dheer waa kali-talisyada, sababtana waxaa lagu sheega inay xukunkii qaatee oo xoolihiina dadka u dhaafeen.

Shacabka inta badan loogama horkeeni karo madaxda inay waqti dheer xukunka haysteen, laakiin deg deg ayay dadweynaha ugu horyimaadan una nacaan madaxda jaano-boobka ah, sababta oo ah inta xukunka rabta waa kooban tahay laakiin xoolaha dadka oo dhan ayaa raba.

Xaqiiqadu waxay tahay in aan xukun guuleysta iyo xoolo tacbasho halmar laga wada shaqeyn karin.