Daawo: Sayid Cali oo arrimo xasaasi ah ka hadlay: Waxaa la’iigu hanjabay dil kadibna…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed ayaa mar kale maanta kasoo muuqday maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir oo fadhigii labaad maanta ka yeelatay kiiskan xasaasiga ah.

Sayid-Cali oo su’aallo lagu waydiiyay maxkamadda ayaa ka jawaabay arrimo xasaasi ah oo wax laga waydiiyay, kuna saabsan kiiskan oo ay isha ku wada hayaan dadka Soomaaliyeed.

Ninkan ayaa qirtay inuu shidaal soo iibsaday, isla markaana dabka uu qabad-siiyay guriga, isaga oo sheegay in ujeedkiisa uu ahaa inuu gubo alaabta taalay guriga.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu isku dayay in xaaskiisa oo gubaneysay uu bad-baadiyo, isagana ay waxyeelo kasoo gaartay dhegaha iyo gacan, sida uu ka hor sheegay maxkamadda.

Waxaa kale oo uu ku dooday in falka kadib dad badan ay kusoo xoomeen, kadibna ay ugu hanjabeen inay dilayaan, isaguna uu sidaas ugu cararay gaarigiisa, uuna aaday suuqa Xoolaha, kadibna uu usii cararay gobollada dhexe ee dalka oo ah goobta laga soo qabtay

“Aniga dad badan ayaa igu soo cararay oo iigu hanjabay inay i dilayaan, anne sidaas ayaa uga baxsaday guriga, maadaama ay xaafadda dagan yihiin qoyska xaaskeyga” ayuu yiri.

Dhinaca kale waxaa maxkamadda kasoo muuqday marqaatiyeyaal cusub, sida gabar kamid ah dariska iyo Dr Ciise oo ah dhaqtarkii u horreeyay ee loo geeyay marxuumadda.

Faadumo Abuukar oo kamid ah dariska marxuumadda ayaa ka hor hadashay maxkamadda, waxayna sheegtay inay aragtay Luul oo gubaneyso, isla markaana Ashahaadaneyso.

“Albaabka waxaa taagnayd marxuumad Luul oo Ashahaadeynao, isla markaana gubaneyso, waxayna dalbaneysay caawinaad” ayay tiri Marqaati Faadumo.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Aniga waxay igu tiri eedo i caawi, kadibna sidaas ayaan ku qaadnay aniga iyo dad kale, waxayna igu tiri intii aan sii wadnay lmaheyga waa Agoon, haddana ma rajoobi doonaan?”

Waxaa gabagabadii soo xiray fadhigan guddoomiyaha maxkamadda racfaanka oo sheegay in doodda ay sii socon doono fadhiga kalena lagu go’aamin doono dhageysiga dacwaddan.

Horay waxaa Sayid-Cali xukun dil toogasho ugu soo xukuntay maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir, kadib markii ay sheegtay in lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay.

Si kastaba, haddii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.