Sababta uusan Xamza uga hadli karin doorasho iyo arrimaha wiiqaya damaca Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre wuxuu sheegay in wax walba oo dhaca aanay Soomaalida dib iskugu dooran doonin teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, wallow aanay xukuumaddiisu illaa maanta wax shaqo ah ka qabanin inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Soomaaliya oo maanta laheyn guddi doorasho, sharci doorasho, xisbiyo sharciyeysan, argagixisana weli ka adkaanin, dadkeedu aanay tirakoobneyn, baarlamaankeeda iyo wasiiradeeda qabiil lagu qeybsado, musuqiina uu xarkaha goostay ayay dhinaca kale madaxdeedu ka sheekaynaya doorasho dadweyne oo hufan, tii oo dhanka kale dalka uu yahay dal ay ciidankiisa iyo shaqaalihiisa ajnabi biilan, hanaankiisa siyaasadana aan heshiis laga aheyn.

Xamza Cabdi Barre hadda waa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, laakiin dib aan kugu celiyo shan sano kahor.

2019-kii Xamza waxa uu ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland, wuxuu qabtay doorashadii ugu fadeexadda iyo fool-xumada badneyd taariikhda dowladeed ee Soomaaliya. Waxay ka dhacday magaalada Kismaayo.

Doorashadan waxaa loo yaqaana saddex qof u keenso kursigaaga xildhibaannimada, kadibna Axmed Madoobe ayaa midkii uu doono ka xulan doona, kaas ayaa qabiilka u noqonaya xildhibaan.

Guddigii doorashadaas curiyay, jiheeyay ee fuliyay waxaa madax u ahaa Xamza Cabdi Barre oo maanta ra’iisul wasaare ka ah Soomaaliya. Micnaha doorashadaas uu Axmed Madoobe kusoo laabtay ee Xamza maamulay ma jirin qabiil xildhibaankooda qortay.

Kursi walba saddexdii qof ee loo soo xulay ee Xamza lagu wareejiyay isna Axmed Madoobe ayuu ku wareejiyay, kaas oo isaguna midkii uu rabo kala baxay kursi walba.

Ra’iisul Wasaare Xamza wuu difaacay doorashadaas, isagoo xisaabta isku dhariga ku difaacaya Axmed Madoobe, wuxuuna iska indho-tiray qaladaadkii iyo fool-xumadii ku jiray doorashadaas.

Maanta isla siyaasigaas ayaa dhaliil ka qaba doorashooyinkii ka dhacay teendhada Afisyoone, oo loo arko kuwii ugu hufnaa Soomaaliya. Sida qura ee aad ku fahmi karto in doorashooyinkii Afisyoone ay dhexda yaaleen oo ay hufnaayeen waa inay marnaba ku adkaanin madaxweynayaashii kuraasta ku fadhiyay xilligii la qabtay doorashooyinkaas.

Haddii la musuqi karo ama la boobi karo doorashooyinkii ka dhacay teendhada Afisyoone marwalba waxaa kusoo laaban lahaa madaxweynaha fadhiya xafiiska.

Soomaaliya waxay u muuqata in hadda laga raadinayo doorashadii ugu horreysay ee la boobi karo, madaxweyne kasta oo fadhiyay Villa Somalia ma jeclayn doorashooyinkii dadbanaa ee gunaanadkoodu ay ka dhaceen Afisyoone.

Sababta ay xilligaasi madaxda u diidanayeen maantana looga cararayo waa in uusan doorashadaasi xadi karin, boobina karin madaxweynaha kursiga fadhiya.

Ra’iisul Wasaare Xamza isagu kuma jiro madaxda Soomaaliyeed ee maanta ka hadli karta hufnaan doorasho, waxaana dhib iyo dhaawac ugu filan diiwaankiisi hore ee doorashadii Jubbaland ee uu kursiga ugu xoogay Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ah ninka ay ka go’do inuu saxo jihada dhabta ah ee Soomaali isku aamini karto, kuna sii wada-jiri karto waxay u badan tahay inuu waaqica usoo laaban doono lixda bilood ee soo aadan marka ay mucaaradka Xamar iskugu tagaan oo dowladdiisa xisaabtan lagu bilaabo, kuwa maanta la safana ay diidan sida uu wax u falkinayo, maamul goboleedyada hurdada kasoo toosan, dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkana ay dalbadaan in aan la qaadan karin wax aan loo dhameyn iyo damac caawinaya hal qof.