Daawo: Beelaha Hawiye iyo Raxanweyn oo ka cabanaya Axmed Madobe, kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Karinle-Hawiye iyo Raxanweyn ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan ay ku soo bandhigeen cabasho ay ka qabaan xukun ay riday maxkamadda maamulka Jubbaland.

Xukunkaas waxaa lagu riday labo wiil oo lagu kala magacaabo Ilyaas Maxamed Xasan iyo Maxamed Ibraahim Cali, kuwaas oo lagu eedeeyey dil ka dhacay magaalada Kismaayo sanadkii 2016-kii.

Dhalinyarada hadda la xukumay ee odayaashaan ay ka cabanayaan xukunka ku dhacay ayaa mudadaas ku xiraa magaalada Kismaayo.

Saddex dhalinyaro ah ayaa loo qabtay dilkaas, balse mid kamid ah ayaa la siidaayey halka labadii kale dil toogasho ah lagu xukumay.

Odayaasha maanta Muqdisho ku qabtay shirka jaraa’id ayaa sheegay in dhalinyaradaas lagu riday xukun aan cadaalad aheyn, isla markaana aysan helin qareeno u dooda oo ka difaaca eedeymaha loo soo jeediyey.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayey ka dalbadeen in kiiskaan uu soo fara-geliyo, iyagoo si cad u sheegay in dadka ka soo jeeda beelahooda lagu dulmiyo awooda maamulka Axmed Madoobe.

“Sideee sano ayaa wiilasheena lagu heystay xabsiyo ku yaalla Kismaayo, anagoo ah Karanlehawiye iyo Raxanweyn waxaan Jubaland ka tirsaneynaa cadaalad darro, xitaa ragii ku eedeysnaa kiiskaan qaar ayaa la fasaxay, wiilasheeniina waxaa ku dhacay xukun sharci darro ah,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Odayaashaan ayaa sheegay in beesha uu ka dhashay ninkii la dilay 8 sano ka hor ay cadeeyeen in raggaan aysan dilka geysan oo aysan ku qanacsaneyn in loo ciqaabo ninkii laga dilay dartood.

Waxay odayaashaan maaamulka Axmed Madoobe uga digeen inuu ku takri falo awood oo la toogto wiilal aan geysan dilka loo heysto, “Dadkii qisaasta lahaa ayaa dhahaya ragaan ma naloo tooganayo, marka ma jirto sabab uu maamulka Jubbaland ugu madax-adeygo in cadaalad darro lagu toogto wiilasheena,” ayuu yiri oday kale oo kulankaas ka hadlay.

Hoos ka daawo

https://www.facebook.com/share/v/hkx2b5WdSZauRMkn/?mibextid=WC7FNe