Wasiir warbixin ka soo saaray xog culus oo uu la wadaagay Ra’iisul Wasaare Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre la wadaagay qiimaynta afarta bil ee ugu horeysa waxqabadka Ballaan-qaadka shaqo ee horyaalla wasaaradda.

Ballanqaadka Shaqo ee Waasaaradda ayaa soo koobaya hadafyada ay wasaaraddu hiigsaneyso sannadkan 2024, taas oo la qiimeyn doono 4 bil oo kasta wixii u qabsoomay wasaaradda si loo xaqiijiyo in adeeg hufan la gaarsiiyey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada sida joogtada ah ugu foogan howlaha la xiriira Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Dhaqaalaha Buluugga.

Wasaaradda ayaa afarta bil ee ugu horeysa ku guuleysatay hirgalinta qodobo muhiim ah kuwaas oo qeyb ka ah ballan-qaadka shaqo gaar ahaan hadafyada loo asteeyey in la gaaro afarta bil ee ugu horreysa sannadkan, tani waxa ay odoros wanaagsan ka bixineysaa in guul wax ku ool ah ay wasaaraddu ka gaarto dhammaan hadafyadeeda ku xusan ballan-qaadka shaqo ee sannadka 2024.

Qorsheyaasha guuleystay ee ku jira afarta bil ee ugu horeysa ballan-qaadka shaqo ee Wasaaradda waxaa kamid ah:

1-Dhismaha iyo qabsoomidda shirarka Golaha Sare ee Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga (FMDC),

2- Bixinta Ruqsadaha Kalluumeysiga taas oo qeyb ka ahayd qorsheyaasha la doonayo in lagu kordhiyo dakhliga gudaha,

3-Qabashada debaaldegga todobaadka Kalluumeysiga qaranka kaas oo qorshu yahay in uu qabsoomo bartamaha Bishan May. Iyo qodobo kale.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xassan Aadan waxa uu yiri “Waxaan hiigsaneynaa hadafyo wax ku ool ah kuwaas oo aan dooneyno inaan wax uga badalno nolosha bulshada, gaar ahaan kuwa xeebaha, Kalluumeysatada iyo dhammaan dhinacyada ka faa’iideysta Kalluumeysiga, waxaan u dejinnay sannadkan qorsheyaal xambaarsan han iyo himilo Soomaaliyeed, waxaan rajeynayaa in tani ay noqon doonto mid isbadal dhab ah ku sameysa Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha ee dalkeenna”.

Madaama kal-ka ugu horeeya ee sannad shaqeedka 2024 uu si guul ah noogu soo dhammaaday, wasaaraddu waxa ay xooga saari doontaa sidii si hufan loogu hirgalin lahaa qodobada kale ee ku xusan ballan-qaadka shaqo, kuwaas oo ah qodobo aad u xiisa badan, saameyn leh, wax bandanna ka badali doona noloshada bulshada Soomaaliyeed ee ku tiirsan Kalluumeysiga.