Fal-celin culus oo ka dhalatay heshiiska xasaasiga ee SOOMAALIYA iyo KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shalay galab ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo muhiim ah.

Heshiisyadan oo ku saabsan dhinacyada, arrimaha dibedda, nabadgalyada, dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada iyo arrimaha adeegga bulshada, ayaa waxaa ka dhashay durba fal-celin xooggan, ayada oo dadka siyaabo kala duwan uga hadleen.

Heshiiska ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, halka dhanka Kenya uu u saxiixay wasiirka arrimaha dibedda Musalia Mudavadi.

Heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal ayaa waxaa la sheegay in kor loogu qaadayo xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxay heshiisyadan qeyb ka yihiin socdaalka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Axmed-dahir Shaafici Cabdullaahi: “Kenya waxay hirgili la’dahay heshiishyadii hore loo galay sida isku socodka xuduud benaadka, duulimaadka tooska (direct flights from Mogadishu to Nairobi) iyo heshiishyo kale, markaa kuwaanna kuwaas bey la mid yihiin.”

Cabdisalaan Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Kenya oo wadankeena inta yimaadaan heshis la saxiixanaya lama haayo ayaga lee loo tagaa?!.”

“Heshiis is-afgarad oo hadhow waqtiga doorashada la inkiri doona yuu dhicin,” ayuu yiri Mustafe oo isna kamid ah dadka ka fal-celiyay heshiiskan.

Sakariye Cali Dayib: “Hambalyo- Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed oo qoto dheer. waan soo dhawaynaa hishiisyadaan is-afgarad ee la wada gaaray.”

“Ganacsiga laguu sheegyo waa qaadka keliya,” ayuu yiri Cumar Jaamac Shire.

Duceysane Cali ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Naga daya ciyaarta heshiis manan galin ee Kenya waxay rabto ayaa u fududeynay, intaas afkiina masoo qaban waayay.”

“Heshiis la saxiixay waxba inoo tari maayo ilaa laga helo dhaqan-gilin, ma Kenya ayaa wax dhaqan galineyso,” ayuu yiri Ibraahim Aadam Yuusuf.