Puntland oo heegan gelisay ciidamada milateriga + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha Guud ciidamada difaaca Puntland General Aadan Cabdi Xaashi ayaa safar shaqo ku tegay magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, waxa uuna booqday Dugsigga Tababarada Ciidamadda ee Xorgoble.

Taliyaha ayaa waxaa ugu horeyn halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha dugsiga Xorgoble G/dhexe Burhaan Axmed (Caanood) iyo maamulka iyo macalimiinta dugsigga, waxay uga warameen xaalada dugsigga, marxaladihii uu soo maray iyo hawlaha shaqo ee hadda ka socda.

General Aadan ayaa sidoo kale wuxuu soo kormeeray dhamaan qaybaha uu ka kooban-yahay dugsigga, waxa uuna intaas kadib si gaar ah ula kulmay taliyaha dugsigga G/dhex Burhaan Caanood iyo hawl-wadeenada kale.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu taliye Burhaan, maamulka iyo macalimiinta uga mahad-naqay shaqa-wanaaga ee ay soo qabteen 5-tii sanno ee lasoo dhaafay, isaggoona kula dardaarmay inay u diyaar-gaaroobaan shaqooyinka kale ee qorshaysan ee ay ugu horeeyaan horumarinta xirfada iyo aqoonta ciidamadda Puntland iyo tababarkooda.

Kormeerka taliyaha ayaa qayb ka ah kormeero iyo dib-uu-habeen lagu sameenayo ciidanka Daraawiishta , ayada oo laga duulayo siyaasadda ah helidda ciiddamo tirakooban oo tayeeysan, si lo dar-dar galiyo howlgaladda amni iyo shaqadda socota .

General Aadan ayaa maalmihii dambe kormeer ku tageyay xeryaha ciidamada difaaca Puntland ee gobolada maamulkaasi, ayada oo heegan buuxa la galiyay ciidanka, ayada oo taliyaha uu askarta u sheegay inay u diyaar garooban wax uu ku sheegay “shaqooyin qorsheysan”.