Shirkii u horreeyay oo looga hadlayo hubka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)  – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirweyne xasaasi ah oo ku saabsan maareynta hubka rasaasta iyo walxaha qarxo,kaas oo socon doono muddo labo maalin ah.

Shirkan ayaa waxaa daah-furay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Mudane Cabdifitaax Qaasim, kaas oo sheegay in shirkan uu kusoo aaday xilli muhiim ah, maadaama Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka, ayna ku jirto dagaal culus.

Shirkaan waxaa ka qayb galaya mas’uulyiin ka socda dowladda federaalka, dowlad goboledyada iyo xubno ka socda beesha caalamka, kuwaas oo wax ku biirin doono maareynta hubka ee Soomaaliya, maadaama la filayo in dowladdu soo iibsato hubka culus.

Cabdifitaax Qaasim oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in farxad ay u tahay furitaanka shirkan oo looga hadlayo arrimo ku saabsan hubka Soomaaliya.

“Farxad wayn ayay innoo tahay inaan daaha ka rogno oo aan furno shirweynaha qaran ee lagu maareynayo hubka, rasaasta iyo walxaha qarxa” ayuu yuru wasiir ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay inay qodobo wanaagsan kasoo bixi doonaan, kuwaas oo waxtar u noqon doono dowladda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wuxuu u mahadceliyay dowladaha ka qayb qaatay qaadisyta cunaqabateynta hubka oo ay kamid yihiin Mareykanka, Uk, Jarmalka, Turkiga iyo Ururka Midowga Yurub.

“Anigga oo ku hadlayo magaca dowladda Soomaaliyeed waxaan u mahadcelinayaa intii ka qayb qaadatay in la qaado cunaqabateyntii hubka ee muddada saarnayd Soomaaliya, waxaan rajeynayaaa in shirkan uu kasoo baxo miro-dhal fiican” ayuu sii raaciyay Qaasim.

Waa shirkii uga weynaa ee la qabto tan iyo intii Soomaaliya laga qaaday Cuna-qabateynta hubka horaantii bishii December ee sanadkii hore 2023-kii.