Xog: Dhulka Dabdemiska oo la go’aamiyey in laga guuro iyo Xasan Sheekh oo xal keenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in laga guurayo dhulka Dabdamiska ee ciidanka booliska Soomaaliyeed ee ku dhow daarta Seybiyaan, kadib markii uu go’aankaas ku adkeystay madaxweyne Xasan Sheekh.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, guddi ay soo wakiisheen dadka degan dhulka dabdemiska iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa u tegay madaxweyne xasan Sheekh.

Wadahadal dheer kadib, waxaa la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu guddigii iyo madaxweynaha Galmudug ku qanciyey in dhulkaas laga guuro, si looga hir-geliyo shaqadii dabdemiska ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in guddiga uu ka balan qaaday in dhul ku filan qoysaska laga kicinayo dabdemiska ay dowladdu sii doonto, iyadoo waliba loogu darayo boosas dheeraad ah oo laga hirgelinayo goobo danguud ah.

Masaajid, isbitaalo, goobo waxbarasho iyo wadooyin ayuu sheegay Madaxweynuhu in dhulka la siinayo loogu dari doono qoysaska laga rarayo dhulka dabdemiska ee daarta Seybiyaano.

Guddiga iyo madaxweyne Qoor Qoor ayaa la sheegay inay ku qanceen qorshaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh u soo bandhigay ee looga rarayo dhulka dabdemiska, isla markaana lagu dejinayo dhul cusub.

Qoysaska degan dhulkaan ayaa u badan beesha Habargidir, waxayna horay u sheegeen inay dagaalamayaan, hadii la isku dayo in xoog looga kiciyo dhulkooda, balse dowladda, gaar ahaan taliska booliska oo iska dhega-tiraya hanjabaada dadkaas ayaa 3 jeer digniin u diray, kuna amray inay ka guuraan dhulka Dabdemiska.

Hadda, waxaa la sheegay in xiisadu qabowday oo dowladdu keentay xal ka duwan kii ay dadkaani ka caroodeen, maadaama ay ku doodayeen “30 sano ayaan deganeyn halkaan ee hadii aan ka guurno halkaan deegaansanaa?” su’aashaas ayaa noqotay mid la dhaafi waayey dowladana ka hor istaagtay inay awood adeegsato, balse hadda waxaa la sheegay in deegaan cusub loo balan qaaday dadka degan dhulka dabdemiska.