Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay munaasabad heer sare ah oo ka dhacday…

Daaru-salaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania ayaa madaxda sare ee dalkaasi kala qayb galay munaasabadda maalinta midnimada dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda iyo shacabka Tanzania ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta midnimada iyo wadajir dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalkaasi Marwo Samia Suluhu Hassan la wadaagay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo uu sal-dhig u yahay xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsiga.

Munaasabaddan ayaa noqoneysa sannad-guuraddii 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tanzania. Waxaana shacabka iyo madaxda dalkaasi kala qeyb-galay madax iyo wafuud kala duwan oo Afrika iyo caalamka.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa inta ay uu ku sugan yihiin Daaru-salaam ay kulammo la qaadan doonaan madaxda dalkaasi, iyagoo kala hadli doona xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa hordhigi doona madaxdaasi arrimo ay kamid yihiin dardar-gelinta xubinnimada Soomaaliya ee Dallada Geeska Afrika, iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Soomaaliya iyo Tanzania ayaa leh xiriir wanaagsan oo diblumaasiyadeed, ayada oo Tanzania ay door muhiim ah ka qaadatay ka qaatay aqbalaadda codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ayadu xubin buuxda ka noqotay Dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC.