Maxay salka ku haysaa xiisada culus ee ka taagan Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay isa soo tareysay xiisad xooggan oo ka dhalatay banaynta dhul laga dhigayo xarunta degmada 26 Juun ee magaalada Hargeysa.

Dhulkan oo hadda suuq ay ku ganacsadan u ah ganacsatadii uu ka gubtay suuqa Waaheen, ee weli dhismihiisu qabyo yahay, ayaa waxa uu maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa u asteeyay in laga dhiso xarun degmo.

Xiisaddan ayaa sidoo kala gaartay heer in la xiro Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa, kuwaasi oo kasoo horjeestay go’aanka dadka looga saarayo dhulkaasi, inkasta oo markii dambe lasoo daayay.

Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka horyimid qorshahan oo Maayirka degmada Hargeysa uu horboodayo ayaa sheegay in aan la aqbali karin isku-daygan, isaggoo shaaciyay inuu kacdoon shacab hoggaamin doono.

“Qofkii daruuf iyo dan ayaa soo saartay, haddana in lagaga daba tago meeshii yareyd oo la yiraahdo guura, wax milgaha iyo sharafta dowladnimo meel ka gala maaha,” ayuu yiri Xildhibaan Barkhad Batuun.

“Suuqii Waaheen ayaa ka gubtay dadkan, haddii la doonayo oo Dooxii iyo dariiqyadii iyaga oo dhismihii dhamaan lagaga daba tago waxay aheyd in beddel loo sameeyo. Haddii ka ganacsadaha weyn ay dowladda tixgelinayso danyartana annaga ayaa tixgelineyna.”

Sidoo kale wuxuuu aad uga gil-gishay in dadka ku ganacsada dhulkaasi lagu soo rogo amar, halka loo yeeri lahaa oo lala fariisan lahaa, “Waa canshuur bixiyayaal ee ma aheyn in amar la siiyo oo guura la yiraahdo.”

“Xal ha la keeno oo daruuftooda ha la eego. Shaarka dowladeed dadka danyarta ayuu u adeegga, haddii lagu sii eegana waxay noqon doonta danyarta in aan annagu hor-kacno.”

Maayirka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo tan iyo markii uu ku guuleystay xilkaan horumar muuqda ka sameeyay caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxaa dul hoganaya eedeymo dhowr ah, oo ay qeyb ka tahay middaan.