Xasan Sheekh oo ku qasban inuu deg deg u qaado tallaabo kadib fadeexada soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku suntan dalka ugu musuqa badan caalamka xilligan.

Booskan ayey Soomaalida ku fadhisa sanado badan, iyada oo wax shaqo ah oo loo qaateen ah laga qaban dhaca baahsan ee ka socda gudaha dowladda Soomaaliya, kaas oo lagu dhacay hantidii ma-guurtada aheyd ee dalka, canshuurtii laga qaadayay danyarta iyo kaalmadii ka imaneysay dibadda.

25-kii bishan dowladd Soomaaliya ayaa qiratay in la leexsaday raashinkii ciidanka Danab. Raashinka waxaa bixin jirtay dowladda Mareykanka.

In la musuqay raashinkan dowladda waxay qiratay markii uu Mareykanka baaris gaar ah ku xaqiijiyay in la dhacay raashinkii ay siinayeen ciidanka Danab.

Dhulalka danta guud ayaa sidoo kale musuq xooggan lagula kacay tan iyo markii uu xafiiska kusoo laabtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan ayaa kal hore kala diray guddigii la-dagaalanka musuq-maasuqa markii uu kusoo laabtay xafiiska.

Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa dhistay guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa. Waxaa loo sameeyay sharci adag sida ay sheegaan dad badan oo akhriyay sharcigaasi, waxaana cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Laakiin Xasan Sheekh ayaa kala diray guddigaas markii uu xilka kusoo laabtay. Sababta ay dowladda hadda jirta u bur-burisay guddigii ka hortagga iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa, waxay dadka qaarkii ku macneeyeen dano gaar ah iyo xoolo doon dadban.

Inkasta oo aan Aqalka sare lasoo marin guddigaas, haddana haddii ay daacadnimo jirto oo la rabo in musuqa lala diriro waxay dowladda Xasan Sheekh awooday inay guddigaas dib u hagaajiso, xubnaha dib u qiimeyso, sharciga lagu dhisay eegto, kadibna Aqalka Sare marsiiso, sidaasna lagu howl-galiyo guddiga.

Inuu madaxweyne Xasan Sheekh umadda u sheego inuu la dirirayo musuq-maasuqa haddana uu burburiyo guddigii la dagaalanka musuq-maasuqa, waxay dad badan u sawirtay in uusan madaxweynuhu arrintaasi daacad ka aheyn.

Soomaaliya oo weli ku magacaaban dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka illaa hadda ma lahan guddigii ka hortagga iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa, micnaheedu waa in aan loo socon in la nabad-geliyo hantida dalka ayey leeyihiin dadka ka faalloonaya mowduucan.

Dhacdooyinkii lixdii bilood ee lasoo dhaafay sida; boobka dhulka danta guud, raashinkii ciidanka iyo mushaharaadkii ay dowladdaha qaar askarta uga jarteen musuq dhacay awgii, dhamaan waa farriimo madaxweynaha toos ugu sheegaya in loo baahan yahay inuu qaado tallaabooyin dhab ah oo lagu xakameynayo musuqa kusii baahaya gudaha dowladdiisa.

Dowladda madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale diidan dhismaha guddiga madaxa-banaan ee iibka qaranka, si looga baaqsado hanaanka suuqa madow ah ee lagu kala iibsado hantida dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh mid kamid ah waxyaabihii ugu badna ee la sheego inuu xukunka ku waayay doorashadii 2017 oo isaga iyo dadka Soomaaliyeed ku kala dhinteen waa musuqii ay ku kacday dowladdii uu xilligaasi madaxda ka ahaa. Markalena madaxweynuhu wuxuu haatan wajahaya isla mowjado noocaas ah.

Tallooyinka loo jeedinayo madaxweynaha waxaa kamid ah inuu deg deg usoo dhiso guddigii madaxa-banaana ee la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo inuu qaado tallaabo dhab ah uu dowladdiisa kaga saarayo dadka ay ku cad yihiin dambiyada musuqa ah iyo sidoo kale inuu dhiso guddiga madaxa-banaan ee iibka qaranka oo uu joojiyo dhulalka dowladda ee lagu kala iibsanayo suuqa madow.