Daawo: Taliye Sanbaloolshe oo u hanjabay beeshiisa Xawaadle kadib markii…

Moqokori (Caasimada Online) – Taliyaha Hey’adda NISA Cabdullahi Sambaloolshe oo maalmahaan ku sugnaa deegaanada HirShabeelle ayaa maanta gaaray deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada xiga xuduuda gobolka Sh/Dhexe.

Sanbaloolshe iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Korneyl Xasan Shuute ayaa shalay ka gudbay xuduuda gobolka Sh/Dhexe, kadib kulan ay waxgaradka Abgaal kula yeesheen degmada Aadanyabaal.

Maanta waxay la kulmeen odayaasha beesha Xawaadle, si xal looga gaaro colaad gaamurtay oo beelaha Abgaal iyo Xawaadle ku dhexmartay marar badan deegaanada dhaca xuduuda labada dal.

Saraakiishaan ayaa waxgaradka labada beelood ka dalbaday inay meesha ka saaraan colaada u dhaxeysa ee sababtay inay kala go’aan, is dhexmari waayaan oo is laayaan dad walaalo ah, iyagoo isku heysta arrimo deegaan iyo wax aan micno laheyn oo xal laga gaari karo.

Taliye Sanbaloolshe ayaa si adag ula hadlay waxgaradka beeshiisa Xawaadle, isagoo ka dalbaday inay si nabad ah ula degaan beelaha kale oo iska dhaafaan dagaal, isagoo ku hanjabay in ninkii dambe oo qof dila uusan cadaaladda ka baxsa doonin.

Sidoo kale Sanbaloolshe ayaa u hanjabay dadka uu ugu yeeray Mooryaanta, isagoo sheegay in marna ay dilaan dadka, marka ay dhigtaan isbaarooyin, wuxuuna wacad ku maray in taas uu meesha ka saari doono.

”Walaahi Bilaahi Talaahi inaan Mooriyaanimo dambe layeeleynin anigaana shaqo ka qabanaya Mooriyaanta Wadankaan qaribta, looma sii dulqaada karo sidaan,” ayuu yiri Taliyaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe.

Sidoo kale Sanbaloolshe ayaa beeshiisa ku canaantay in markii deegaanada Abgaal uu roob ka da’o ay u naq raaci karaan, balse markii deegaanada Xawaadle uu roob ka da’o aysan cid kale soo aadi karin.

Hoos ka daawo