Booliska oo faah-faahiyey dil ka dhacay Muqdisho iyo ninkii gaystay oo lasoo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey dil galabta ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee duleedka Muqdisho, kadib markii nin la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka minishiibiyo ee gobolka Banaadir uu dil geystay.

“Howlgal ay saacadihii lasoo dhaafey sameeyeen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir Gaar ahaan Saldhigga Dayniile ayaa lagu soo qabtey eedeysane loo heysto inuu dil toos ah u geystey muwaadin Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska.

Ninka la dilay ayaa ka soo laabtay aaska dad ehelkiisa ahaa oo geeriyooday, balse waxaan weli la garan sababta loo dilay iyo waxa dhex maray isaga iyo ninka lasoo qabtay ee dilka geystay.

Mahad Cali Maxamuud ayaa lagu magacaabaa ninka dilka geystay, wuxuuna dilay Axmed Nuur Tooxow, waxaana socda baaritaan ku saabsan sababta ka dambeysa dilkaas.

“Eedeysanaha dilka geystay iyo agabkiisaba waxaa si toos ah loogu wareejiyey hoggaanka baarista dembiyada ee CID, halkaas oo lagu baari doono, si loo horgeeyo Maxkamada ku shaqada leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay booliska.

Intaas kadib, Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa u waramay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho, isagoo sheegay inay xaqiijiyeen in ninka dilka geystay uusan ka tirsaneyn ciidamada dowladda federaalka, balse baaritaanka hordhaca ah lagu ogaaday inuu ka tirsanaa ciidanka minishiibiyo ee qaada canshuuraha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay ciidamada ammaanka ku garabsiiyeen inay qabtaan ninkaas hubeysan ee dilka geystay, kasib markii uu waayey meel uu ku dhuunto, taasi oo sida uu sheegay meesha ka saari doonta in qof dambe oo dil geysta uu wey doono meel uu gabaad ka dhigto.

Hoos ka dhageyso wateysiga afhayeenka