Daawo: SHUUTE oo tiirka toogashada ugu hanjabay dadkii isku dili jiray xuduudda…

Moqokori (Caasimada Online) –Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Kormeyl Xasan Cali Nuur Shuute iyo Taliyaha Hey’adda NISA Cabdullahi Sambaloolshe oo maalmahaan ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe ayaa gaaray deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada xiga xuduuda gobolka Sh/Dhexe.

Halkaas waxaa ka taagan colaad dabadheeraatay oo Abgaal iyo Xawaadle ay isaga dileen dad badan, waxayna masuuliyiintaan u baxeen sidii xal waraa looga gaari lahaa colaada labada beelood.

Taliye Sanbaloolshe iyo guddoomiye Shuute ayaa la kulmay waxgaradka labada beelood ee Abgaal iyo Xawaadle, iyagoo ka warsaday sababta ay isku dilayaan, isaguna daray dardaaran iyo hanjabaad.

Maanta waxay Hiiraan kula kulmeen odayaasha beesha Xawaadle, si xal looga gaaro colaad gaamurtay oo beelaha Abgaal iyo Xawaadle ku dhexmartay marar badan deegaanada dhaca xuduuda labada gobol, kadib markii Aadanyabaal ay kula soo kulmeen waxgaradka Abgaal.

“Waxa aad ku dhaqmeysaan dhaqan islaam maaha, waxayna ka soo horjeedaan hadafkiina Khawaarij iska xoreynta ah, maanta kadib qof kii qof dila bartii uu ku dilo ayaa lagu tooganaa, mana faka doono ogaada,” ayuu yiri Korneyl Shuute oo khudbadaan ka jeediyey geed Qurac ah hoostiisa.

Saraakiishaan ayaa waxgaradka labada beelood ka dalbaday inay meesha ka saaraan colaada u dhaxeysa ee sababtay inay kala go’aan, is dhexmari waayaan oo is laayaan dad walaalo ah, iyagoo isku heysta arrimo deegaan iyo wax aan micno laheyn oo xal laga gaari karo.

Shuute ayaa sheegay in dhaqan argagixiso uu leeyahay qofkii hadda kadib lagu helo inuu dilay qof maskiin ah oo aan waxaba ka galabsan, “Waxaan rabnaa kacdoonkiinii taariikhda galay inuu soo socdo oo aad joojisaan waxa kale oo dhan, sida dagaalka qabaa’ilka iyo is baarooyinka,” ayuu yiri Shuute.

Wuxuu sheegay in degmada Aadanyabaal ay kula kulmeen odayaasha dhaqanka Abgaal, “odayaasha waxaan isku afgaranay inay dowladda kaashadaan oo nabadda hor kacaan, godob iyo dakano wax aan dhib aheyn kuma qabtaan,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute.

Sidoo kale ayaa sheegay in dowladda ay wado nabad, balse nabadaasi aysan aheyn mid baryo ah, isagoo ku goodiyey inay dadka ku qasbi doonaan inay qaataan, maadaama ay garan waayeen inay is daayaan oo dhiigooda ay xalaashadeen.

“Ogaada hada kadib nabadu baryo maaha, qofkii dil geysta, cidii uu lahaa waxbaan u dilay ayaa lagu dhex tooganayaa, gurigiisa ayaa lagu hor tooganaa si looyu quus qaato,” ayuu yiri Shuute.

Hoos ka daawo