Muxuu yahay mashruuca uu Ingiriiska maal-gelinayo ee laga fulinayo saddex gobol?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mashruuca Better Lives ayaa maanta lagu daah-furay munaasabad ka dhacday safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, kaasi oo socon doona muddo labo sano.

Mashruucna oo ah mid caafimad ayaa waxaa maal-gelineysa Boqortooyada Ingiriiska, waxaana sida qorshuhu yahay laga fulin doona dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Sida uu qorshuhu yahayna waxaa ka faa’iideysan doona ku dhawaad 1.5 milyan oo ay kamid yihiin 400 oo kun Hooyooyin Soomaaliyeed iyo 300 oo kun caruur Soomaaliyeed ah, islamarkaana ay heli doonaan talaalka laga maarmaanka ah.

Mashruucan oo ay maal-galintiisa leedahay hay’adda UKAID ayaa laga fulin doonaa 11 degmo oo kamid ah Galmudug, Jubbaland iyo gobolka Banaadir oo ay kamid yihiin goobaha laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo aan horay u helin adeegyada caafimaad ee aas-aasiga ah.

Munaasabada daah-furka mashruuca ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada, agaasimaha guud ee wasaaradda, agaasime waaxeedyada wasaaradda caafimaadka, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya caafimaadka

Wasiirka ayaa saaxiibada taaba-galinaya mashruucan uga mahad-celiyay taageeradooda, isagoo sheegay in mashruucan uu waxbadan ka tari doono caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka, taasi oo qeyb lixaadle uga qeyb qaadaneyso horumarinta caafimaadka dalkeena.

Mashruucan caafimaad ayaa wax ka badan ka tari doona deegaanada la qorsheeyay in laga hirgeliyo oo ku yaalla laba dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya Boqortooyada Ingiriiska.